Qodobo ceynkee ah baa ka soo baxay shirkii Madaxda Soomaalida ah ee shisheeyaha la shaqeeya?

micHabeen hore Muqdisho waxaa lagu soo geba gebeeyay shir ay lahaayeen madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul gobaleedyada oo ku saabsanaa habka doorashada soo socata iyo qodobo kale oo arimaha soomaaliya la xariira.

Aqoon yahan Cabdulqadir Cali Yaroow oo ay wareysatay Idaacada Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegay in micnaha qodobadu xambaarsanaayeen yahay in Soomaaliya aakhirkii Itoobiya iyo kenya loo qeybiyo.

asigoo hadalkiisa sii watta ayuu arintaasi si qota dheer u faah faahiyay waxaanuu ku macneeyay madaxda soomaalida ah kuwo howl fuliyaal ah oo danaha shisheeyaha ka shaqeynaya.

madaxda federaalka iyo Maamul gobaleedyadu waxay sheegaan in ay danaha dalka iyo dadka ka shaqeynayaan laakiin xaqiiqada ayaa ah in danaha shisheeye ay fulinayaan si ay kuraasta ugu fadhiyaan xoogaa dhaqaale ahna u helaan.

Dhageyso Wareysiga Cabdulqaadir Cali Yaroow.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.