Reer Falluuja…..waxay u dhexeeyaan Geeri iyo Qax (Warbixin+Sawirro).
Magaalada Al-Falluuja ee gobolka Al-Anbaar ayaa wajaheysa Xamlo cadowtooyo oo aad u kulul, taas oo ay kusoo qaadeen awoodo is kaashanaya islamarkaana kawada siman hal hadaf oo ah in magaaladan laga saaro Mujaahidiinta islamarkaana dadkeeda loo geysto dhibaatooyin nooc waliba leh.
Balse Falluuja waxay u muuqataa mid dhabar adeegeysa islamarkaana diidan iney si dhiibto, waxaana dagaalka lagu soo qaaday oo ay ka qaby qaadanayaan dowladaha Iiraan,Mareykanka iyo Rawaafida Ciraaq uu sii galayaa maalinba maalinta ka dambeysa marxalad Adag oo labada dhinacba ay isku adeegsanayaan wax waliba oo awood ah oo ay heystaan.
Mar kale ayuu soo laabtay Qaxa iyo barakac isagoo soo gar-garaacay Albaabada reer Falluuja, wuxuuna kala dooransiinayaa iney kusii sabraan magaaladooda oo laga yaabo iney Shahaado ku helaan iyo iney cararaan iyagoo isticmaalaya wadooyin ciriiri ah islamarkaana ay ka taaganyihiin calamo farabadan oo ay wataan Maleeshiyaadka Shiicada, waxaana laga yaabaa iney la kulmaan qafaal ama ay badbaadaan oo ay gaaraan goboo aamin ah islamarkaana wax dagaallo ah ka soconin.
Xaaladda Nololeed ee dadka Faluuja ayaa sii adkaaneysa mar waliba oo ay sii kordhaan duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha Taxaalufka reer Galbeedka, kaas oo ku doodayo inuu u yimid sidii Reer Falluuja uu kaga saari lahaa dhibaatada ay ku hayaan waxay ugu yeereen “Argagixisada” balse taas caksigeeda ayaa muuqata iney sax tahay.
Dadka kasoo baxay magaalada Fallluuja ee soo gaaray daafaheeda ayaa sheegaya In magaaladooda ay la kulantay weerar saddex Jiho ah, waxaana furan oo kaliya hal wado oo ciriir ah, taas oo laga yaabo iney kusoo badbaadaan mar marka qaarna waxaaba suura gal ah in dadku ay beegsadana diyaaradaha Taxaalufka taas oo u gogol xaareysa iney dhintaan.
Dhibaatada dadka Falluuja waa mid sii kordheysa, waxaana qaar kamid ah Hay’adaha sheegta iney saacidaan Qaxootiga ay sheegayaan in mararka qaar ay dhacdo in qoys idil uu ku baaba’o inta ay ku jiraan barakac duqeymaha aan loo meel dayini awgeed, waxaana la sheegayaa in 9-kii maalmood ee lasoo dhaafay guud ahaan dadkii soo barakacay aysan soo gaarin wali goobo amaan ah.
Gabar Muslimad ah oo lagu magacaabo Sucaado islamarkaana kamid ah dadka kasoo barakacay Falluuja ayaa ka sheekeysay safarkeedii halista ahaa ee ay kaga soo baxday Falluuja, waxaana ay sheegtay in ay kusoo dhex socdaan burburka Guryaha islamarkaana iyada, Ilmaheeda iyo Ninkeeda ay dhowr jeer sigteen maadaamo Rasaas nool nool ay madaxyadooda dul mareysay.
Gudaha Falluuja waxaa ka taagan sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah cunno yari, biyo la’aan iyo dawooyinka oo gabaabsi sii ah, maxaa yeelay magaaladu bilooyinkii ugu dambeeyaba waxay ku jirtay go’doon adag oo ay kusoo rogeen Shiicada Rawaafida ah ee colaada fog u qaba Muslimiinta Ahlu sunnaha dalkaas.
Tan iyo markii uu billowday weerarkan ay Rawaafidu ku qaadeen Falluuja oo ku beegneyd 21-bishii aynu soo dhaafnay ee May, dadka kaso baxay Falluuja waxay gaarayaan oo kaliya 554 Ruux, waxaana la rumeysanyahay in 50 kun oo Ruux ay wali ku go’doonsan yihiin gudaha magaalada Falluuja.
Qoysaska ay u suurta gashay iney kasoo baxaan Falluuja ayaa si dhib ah waxay ku gaareen xirooyin Qoxooti oo ku yaala magaalada Caamiraytul Falluuja, halkaasna nolosha ka jirta waxaa lagu sifeeyay mid adag, waxaana mustaxiil ah sida lagu gaaro, halka inaad ku dhex noolaatana ay tahay mid adag maadama heer kulka magaaladaas uu yahay mid aad u sarreeya sida ay sheegayaan Hay’adaha sheegta Xuquuqda Insaanka ee ku sugan gobolka Al-Anbaar.
Rawaafida duulaanka ku ah magaalada Falluuja waxay dhankoodu la kulmayaan dhiig bixin joogta ah, waxaana dagaallo maalintii shalay dhacay lagu soo waramayaa in lagu dilay Maleeshiyaad aad u farabadan oo ay ku jiraan Saraakiil katirsan Shiicada.
Xigasho: Aljazeera.net