Reer goof gaduud oo sheegay in ay xoroobeen

bulsho faraxsanBulshada ku dhaqan deegaanka goof gaduud oo ku dhawaad sodon kiilow mitir u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka baay ayaa sheegeysa in iminka ay xoriyad dareemayaan kadib markii halkaa shalay subax ay ka baxeen ciidamada Itoobiya ayna la wareegeen kuwa Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Wareysiyo dadka qaarkood ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayay ku sheegeen in dhibaatooyin kala duwan ay ku qabeen ciidaamada Itoobiya balse iminka ay ku faraxsan yihiin in Allaah ka weday.

Waxay tilmaameen in dil, dhac, kufsi, xarig canshuur laga qaadayo iyo dhibaatooyin kaleba ay kaleba ay Itoobiyaanku ku hayeen.

Mudda sanado ah ciidamada itoobiya ayaa fariisin ku lahaa Goof gaduud lamana faah faaahin sababta ay iminka uga guureen.

Maamulkii iyo ciidamadii deegaanka ee Soomaalida ahaa aya saacado kadib ka cararay Goof gaduud iyagoo ayina dhanka baydhabo aaday cabsi ay ka qabaan in deegaanka lagu gumaado darteed, waxyar kadibna waxaa gudaha goof gaduud soo galay oo calanka towxiidka ka taagay Ciidaamda Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO DADKA DEEGAANKA GOOF GADUUD

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.