Saraakiil katirsan Sirdoonka Urdun oo dalkaas lagu Iqtiyaalay.

5201519104937805Kooxo hubeysan oo aan la garaneyn heebtooda ayaa gelinkii hore ee maanta oo Isniin ah waxay weerar ku qaadeen xarun ay leeyihiin Sirdoonka maamulka ka dhisan dalka Urdun.

Wasiiru dowlaha warfaafinta Xukuumadda Urdun ayaa xaqiijiyay dhimashada 5 Ruux oo ay ku jiraan Saraakiil sar sare oo katirsan Xukuumadda Urdun, waxaana weerarka oo ahaa mid qorsheysan uu ka dhacay mandiqad lagu magacaabo Al-Buqca oo dhacda wuqooyiga magaalada Cumaan caasimadda dalka Urdun.

Wasiiru dowlaha ahna Afahayeenka guud ee Xukuumadda Urdun Muxamed Muumini ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid Argagaxiso ah, waxaana uu sheegay iney socdaan baaritaanno lagu doonayo in lagu soo qabto ragga weerarkaas fuliyay uu durba baxsaday.

Dadka ku geeriyooday weerarka oo shan ruux gaaraya ayaa dhamaantooda katirsanaa Sirdoonka Urdun waxaana ku jiray Saraakiil sar sare, waxaana muuqaneysa in weerarka uu ahaa mid in muda ah la qorsheynayay islamarkaana laga gaaray dantii laga lahaa.

Majirto cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha ballaarna ka dhashay, balse waxay Urdun deris la tahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo ay ka dhisanyihiin Jamaacaad Jihaadi ah oo diidan nidaamaadka aan ku dhaqmin Shareecada Islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.