Sarkaal Sare oo imaaraadka Carabta Looga Dilay Muqdisho.

imaaraadkaXogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen hotel Naasa hablood oo kamid ah hotelada Muqdisho ee hoyga u ah Madaxda Dowladda iyo ajaaniibta ka howlgasha Muqdisho.

Warar kusoo dhacay idaacadda islaamiga ah Ee Alfurqaan oo aynu ka helnay illo wareedyo mas’uul ah ayaa xaqiijinaya in weerarkii Hotel Naasa hablood uu ku dhntay sarkaal katirsanaa imaaraadka Carabta.

Sarkaalkaan oo Soomaali ah balse ku dhashay kuna barbaaray imaaraadka Carabta ayaa Lagu magacaabi jiray Fu’aad Amiin.

Fu’aad ayaa ahaa madaxii mashaariicda imaaraadku ka wado Dalka Soomaaliya.

Da’diisu waxa ay ahayd 29 sanno jir ku dhashay Dubai balse inta badan Noloshiisa ku Qaatay Shaariqa.

Waxa uu ka qalin jabiyay jaamacada Maraykanka ee imaaraadka.

Imaaraadka carabta wali kama hadlin Sarkaal looga dilay Muqdisho oo laf dhabar u ahaa faragalintooda Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa taageero xoog leh Siiya Dowladda Federaalka iyo maamulada Dalka ka jira.

Haatan waxa ay Muqdisho ku tababaraan Ciidamada Dowladda iyagoo hub,gawaari dagaal ku saaciday Dowladda.

Si kastaba ha ahaatee xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa wali si faafaahsan kaga hadlin weerarkii ciidamooda ay ku qaadeen Hotel Naasa hablood.

Weerarkaasi ayaa dhaliyay qasaaro xoogan oo sii kordhaya.

Marka laga yimaado mas’uuliyiinta naftooda ku waayay weerarka waxaa halkaasi lagu dilay 33 Askari oo katirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyadoo lagu dhaawacay 23 Askari.

Ciidamada Dhintay ayaa badankooda waxa ay ku dhinteen gaari lagu qarxiyay xili ay isku diyaarinayeen inay gudaha ugalaan Hoteelka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.