Sh/Xasan Yacquub “Dhimashada Dagaalka Ceelhareeri waa 7,Ganiimaduna Waa Gaari uu Saaranyahay Dhashiike”(Maqal)

sheekh xasanisagoo Caawa wareysi gaar ah siiyay idaacadda afka shabaabul mujaahidiin ku hadasha ee Andulus ayuu Waaliga Galguduud waxa uu faafaahiyay Galinkii Danbe Maanta  ka dhacay dulleedka Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud.

Sheekh Xasan Yacquub waxa uu sheegay inay weerareen  ciidamo Soomaali ah oo dhibaato ka waday deegaanka Ceelhareeri oo dhaca Dulleedka Galcad.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in Laba dagaal oo dhacay ay ku dileen 7 askari  islamarkaana ay ku qabsadeen gaari Cabdi bile ah oo uu saaranyahay Qori dhashiike ah.

Waxa uu sheegay firxadka ciidamada Soomaalida ah ay gaareen Degmada Galcad ee Galguduud,.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay Ciidamada Soomaalida ah ee qaska ka wada hareeraha Galcad laga soo abaabulay Muqdisho kuwaasi oo loo aas aasay in caro tuur unoqdaan Ciidamada Itoobiya islamarkaana lagu waxyeeleeyo shacabka.

“Danta laga leeyahay waa in shareecada lagula diriro oo lagu dumiyo amniga ay haystaan shacabka”ayuu raaciyay hadalkiisa Sheekh Xasan Yacquub.

Halkan Ka Dhageyso Wareysi Sh-Xasan Yacquub 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.