Suldaan Garyare”Soomaaliya Lama Rabo inay Yeelato Dowlad Madax Bannaan.”(Dhageyso)

Suldaan-Garyare-337x330Waqtiga Dowladda federaalka ah wax yar ayaa ka haray waxaana loo balansan yahay in mid cusub lagu bedelo.

Reer galbeedka iyo Itoobiya ayaa soo xulaya xubnaha ugu muhiimsan ee dowladda la soo wado sidii horay u dhacday xiliyadii tan hadda jirta iyo kuwii ka horeeyay la dhisayay.

Aqoon yahan Suldaan Maxamed Garyare ayaaa sheegaya in Soomaaliya Aanan lala rabin dowlad rasmi ah oo ka madax bannaan shisheeyaha

Wuxuu sheegay in dowlad soomaaliya yeelataa dhib ku tahay itoobiya oo sida Yahuudda carabta loogu dhex ilaaliyo halkaan itoobiya loogu ilaalinayo.

Wuxuu tilmaamay in soomaaliya meel muhiim ah ku taalo shisheeyuhuna u arkaan maamul iyaga ka madax banaan hadduu ka hirgelo in ay  caqabad weynu uga timaado.

Aqoon yahanka ayaa intaa raaciyay in soomaaliya shisheeyuhu dano dhaqaale oo qotto dheer ka leeyahay.

Dhageyso Wareysiga Suldaan Garyare.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.