Talla’biib oo marti gelisay Weerar dhiig badan ku daatay.
Wararka ka imaanaya magaalada Talla’biib oo kamid ah dhulka Yahuuda xooga uga heystaan Musliimiinta Filastiin ayaa ku waramaya in weerar xoogan lagu qaaday suuq ganacsi oo ay isugu yimaadaan Yahuudda.
Weerarka waxaa fuliyay labo Ruux oo Filastiiniyiin ah kuwaas oo iyagoo hubeysan gudaha u galay Suuqa ganacsi oo lagu magacaabo Saaruuna waxaana Rasaas ay la dhaceen Yahuudii ka dukaamaysaneysay Suuqa.
Inta haatan la hubo waxaa lagu dilay weerarkaas 4 Yahuud ah, halka 16 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta ku shahiiday mid kamid ah labadii Mujaahid ee weerarka fulisay halka midka kale isagoo dhaawac ah ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliiska Yahuudda.
Waxyar kadib markii Rasaasta la maqlay waxaa goobta soo gaaray Ciidamada Yahuudda kuwaas oo isku dayay iney ka hortagaan in ragga weerarka fulinaya ay dad badan dilaan, balse taas ma dhicin.
Dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa la geeyay Cisbitaallada ku yaala magaalada Talla’biib waxaana lasoo sheegayaa in qaarkood ay xaaladoodu halis tahay lagana yaabo in saacadaha soo socoda ay dhintaan.
Weerarada Kaligii duulnimada ah ayaa kusoo badanaya dhulka Yahuuda xooga uga heystaan Muslimiinta Filastiin, waxaana muuqaneysa In maamulka Yahuuddu uu u taag heli la’yahay ka hortaga weerarada noocaan ah.