Tartan qur’aan akhris ah oo saakoow lagu soo geba gabeeyay.
Maalmihii tegay magaalada Saakoow ee Gobalka Jubada dhexe waxa ka socday tartan qur’aan akhris ah kaasoo ay ka qeyb gelayeen qaarka mid ah arday dugsiyada qur’aanka kariim ah ee degmada ku yaal.
Iminka waxaa la soo af meeray tartanka iyadoo ardaydii kaalimaha hore gashayna abaal marino la gudoonsiiyay.
Arday guuleysatay ayaa la tartami doona kuwa kale oo degmooyinka gobalka jubada dhexe ka scoda kadibna waxaa kuwa soo baxaa la tartami doonaan kuwa gobalada kale.
Wilaayaatka Islaamiga ah ayaa waxaa ka socda Tartankaan qur’aan akhriska ah oo ay ka qeyb gelayaan arday fara badan.