Waaliga Sh/hoose Sh/Abu Usaama oo Bulshada Gobolka Ku Dhiira Galiyay Barashada Qur’aanka Kariimka. (Dhageyso)
Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose Sh/Abuu Usaama ayaa ka qeyb galay munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay tatan Qur’aanka kariimka ah oo dhex marayay degmooyinka gobolka.
Sheekha ayaa ka hadlay waajib ahaanshiyaha ku dhaqanka kitaabka Qur’aanka iyo halista laga dhaxlayo ka jeesashadiisa, wuxuuna dhammaan ka qeyb galayaasha xafladda iyo guud ahaan bulshada gobolka ugu baaqay iney juhdi badan galiyaan barashada Qur’aanka kariimka ah.
Waaliga ayaa si gaar ah u bogaadiyay dhammaan ardaydii tartanka ku mataleysa degmooyinka, macallimiintooda iyo waalidiintooda intaba, wuxuuna ballan qaaday in maamulka islaamigu uu sii laba jibaari doono wax baridda bulshada.
Ardayda kaalimaha hore ka gashay tartanka degmooyinka ayaa hadduu Allaah doono ka qeyb gali doona tartan weyn oo dhex mari doona wilaayaadka islaamiga ah, kaasoo sida aan xogta ku helnay ay abaal marino qaali ah ku bixineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay culimada diinta islaamka oo uu kamid yahay Sheekh Jaamac Cabdisalaan Warsame, isagoo jeediyay kalimad si aad ah u kicisay shacuurta dadkii ka qeyb galayaasha ahaa.
Gabagabadii maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa abaal marino gudoonsiiyay ardaydii kalimaha hore ka gashay tartanka Qur’aanka kariimka, sidoo kale waxaa iyaguna la abaal mariyay ardayda aan kaalimaha galin, ugu dambeyntiina munaasabadda oo ka dhacday degaan ka tirsan gobolka ayaa kusoo idlaatay farxad iyo reyn reyn.