Warbixin iyo Wareysi Geel ku saabsan.(Maqal+Sawiro)
Malaayiin Soomaali ah ayaa miyiga ku nool kuwaasoo xoolo dhaqato u badan.
Soomaalidu duunyada waxay ugu jeceshahay Geela oo noloshooda laf dhabar u ah.
Hadda waxaa lagu jiraa xiliga guga waxaana xoolu daaqayaan deegaanno cunno leh amaba doog ah.
Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxay dhawaan howl shaqo ku tagtay deegaan qiyaastii 55 kiilow mitir u jira degmada Saakoow ee Gobalka Jubada dhexe halkaasoo ay degan yihiin qoysas reer baadiye ah oo xoolo geel u badan dhaqaaleysta.
Geelu xiligaan waxaa ku jira qaar dhalay, qaar dhalmadiisu dhawdahay mid hore u irmaanaa iyo kuwo iminka awr abaahinayo.
Geelaydu waxay sheegayaan in ay noloshaan ku qanacsan yihiin iyagoo muujiyay sida ay uga soo horjeedaan in dal shisheeye loo tahriibo.
wareysi aanu la yeelanay Macalin muumin oo ka mid ah geeleyda ayuu faah faahin dheer uga bixiyay qeymaha geela iyo wax tarkiisa.
sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday dhibkiisa iyo in aanuu nin jilacsanu dhaqaaley karin.