Wax kabaro Dagaalladii Taariikhda galay ee Muslimiinta la galeen Gaalada.

Yarmuuk

Inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan waxay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan idin soo gudbin doontaa dagaalladii Taariikhiga ahaa ee Muslimiinta iyo Gaalada dhexmaray, inagoo si kooban u eegeyna Inshaa’Allaah.

Waxaan maanta ku bilaabeynaa macrakadii Al-Yarmuuk ee taariikhiga ahayd.

Macrakadan waxay dhacday sanadkii 15 Hijriyada 4 sano ka dib Geeridii Nabiga CSW, waxaana ay ka dhacday meel u dhow wabiga Al-Yarmuuk ee dhaca dhulka Shaam.

Dagaalkii Yarmuuk ayaa Muslimiinta muhiimad gaar ah u lahaa sababtoo ah waxa uu ahaa dagaal meel ka baxasan Jaziirada Carabta lagu qaaday waa Dhulka Shaam oo ay gaaladu ku xooganaayeen dadka Taariikhda wax ka qorana waxa ay ku tilmaamaan dagaaladi ugu xooganaa oo dhaco in uu safka hore uga jiro.

Ciidanka Muslimiintu waxay tiradoodu gaareysay 30 kun oo Askari, halka Gaaladuna ay tiro ahaan gaarayeen 240 kun oo Gaal, hadana sidaas oo ay tahay waxaa guuleystay Muslimiinta.

Muslimiinta waxaa hogaaminayay Saxaabiga Jaliilka ahaa ee Khaalid binul Waliid, halka Gaaladuna uu hogaaminayay nin lagu magacaabo Maahaan.

Maalintii koowaad..

maalintii koowaad waxay ku bilaabatay Mubaarazo ama isku soo bixid ay sameynayeen geesiyaasha labada dhinac, dadku waxay isugu jireen kuwa iskood uga soo dhexbaxaya Sufuufta islamarkaana dalbanaya Mubaarazo iyo kuwa uu Qaa’idka ciidanku wacayo kuna amrayo in Mubaarazo ay la galaan qof kamid ah ciidanka dhanka kale kasoo jeeda.

Mubaarazadaas waxay socotay maalinkii koowaad illaa laga gaarayay duhurkii, waxaana ku sareeyay ciidanka Muslimiinta, maalinkaasna waxa uu Cabdi Raxmaan bin Abuu Bakar Sidiiq dilay 5 katirsan hogaamiyaashii Roomaanka Bayzandhiyiiinta ahaa, waxaana arinkan ay ku qasabtay hogaamiyihii ciidanka Gaalada oo lagu magacaabayay Maahaan in ciidamadiisa uu ku amro iney dagaalka bilaabaan isagoo ilaalinaya macnawiyaadka ciidankiisa.

Waxay soo bilaabeen gaaladii in dhanka Mujaahidiinta usoo tuuraan waramada iyo leebabka, waxaana markan waramadaas ay waxyeelo weyn gaarsiisay ciidankii Muslimiinta, muda kadbina labadii ciidan ayaa is dhex galay seyfaha iyo waramaha ayaana laga shaqaysiiyay.

Mid kamid ah madaxdii Roomaanka oo lagu magacaabi jiray Joorj ayaa kasoo baxay safka, waxaana uu dalbaday inuu usoo baxo Khaalid binul Waliid, khaalid ayaana arinkaas aqbalay, waxaana uu usoo ban baxay hogaamiyihii gaalka ahaa isagoo u socda qaab Taxadar ah una diyaar gareysan inuu la galo Mubaarazo.

Balse Gaalkii Joorj ayaa inta aan la bilaabin Mubaarazada waxa uu dalbaday in Khaalid uu uga jawaabo su’aalo uu isagu qabo, wuxuuna ka codsaday inaanu been sheegin maadaama qofka xurka ah aanu beenta ku habooneyn.

Waxaa kamid ahaa su’aalaha uu waydiiyay sababta uu Nabigu ugu magacaabay Khaalid Sayfullahi Al-Masluul iyo in uu Alle usoo diray Rasuulka Sayf si uu usiiyo Khaalid, iyo hadii uu qofku soo islaamo maanta halka uu Muslimiintu ka dhex joogo sidoo kale inuu jiro farqi u dhexeeya ninka maanta soo islaama kuwa xilliyo hore soo islaamay.

Khaalid ayaa dhamaan su’aalahaas ka jawaabay, waxaana uu u sheegay in Muslimiintu ay wada siiman yihiin, islamarkaana walaalo yihiin ayna jirin wax farqi ah oo u dhexeeya.

Joorj ayaa markii uu jawaabahaas maqlay qaatay diinta Islaamka, waxaana soo kaxeeyey Khaalid isagoona geeyay khaymadiisii uu ka hagayay dagaalka, halkaas ayuuna ku tujiyay labo Rakco, isla macrakadaas ayuuna ku shahiiday Joorj.

Maalintii labaad:

waxa uu Maahaan qorsheeyay in weerar kedis ah kusoo qaado Muslimiinta aroornimada hore, isagoo isku dayay inuu gaado Muslimiinta balse Khaalid ayaa guutooyin ad adag waxa uu dhigay Jihada hore ee Muslimiinta, iyo dhinacyada kale, waxaana ciidankii Gaalada ay kusoo siqeen iney soo jiiraan ciidamada Muslimiinta ee dhinacyada Midig iyo bidix ka dagaalamayay, balse guutada sida gaarka ah u tababaran ee Khaalid uu hogaaminayay ayaa marba dhinac u boodeysay, waxaana ay ku guuleysteen iney celiyaan ciidankii horarka ahaa.

Khaalid binul Waliid ayaa guutadiisa sida gaarka ah u Tababarneyd waxa uu u qaybiyay labo qaybood, waxaana uu qayb kamid ah u dhiibay hogaamiye Daraar binul Azwar, kaas oo loo diray inuu iqtixaamo sufuufta Roomaanka.

Wuu ku guulaystay hogaamiyahan shaqadii loo diray, waxaana uu gudaha u galay dhex bartanka ciidanka Gaalada, isagoona halkaas ku dilay Qaa’idkii Roomaaniga ahaa ee lagu magacaabi jiray Dariijaan iyadoo ay xusid mudantahay iney ilaalinayeen 2000 oo Askari oo Fardoolay ahayd.

Dilka hogaamiyahan iyo fashilka qorshihii Maahaan waxay saameysay macnawiyaadkii ciidanka Gaalada, waxana dhanka kale guushan ay gaareen Muslimiiinta ay sii kordhisay xamaasada Ciidanka Mujaahidiinta.

Halkaas ayeeyna Muslimiintii Guusha ku raacday.

You might also like
2 Comments
  1. muxsin says

    maashaa Allaah waa muhiim in laxasuusiyo muslimiinta geesiyaashoodii hore iyo sidii eey gaalo ukala gaabiyeen

  2. muxsin says

    bahda Al furqaan aad iyo aad baa umahad santihiin. dadaalkiina siiwada.

    waxaan idinka codsaneynaa inaa noosodiyaarisaan qeybo kale oo badan.

Reply To muxsin
Cancel Reply

Your email address will not be published.