Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(10)

Yarmuuk

Furashadii Qudus.

Kadib markii ciidankii Muslimiintu ku guuleysteen macrakadii Al-Yarmuuk oo horseeday in Muslimiintu wada furtaan inta badan dhulka Shaam, waxay Muslimiintu xooga saareen iney furtaan dhulka Filastiin gaar ahaan Masjidul Aqsaa oo xilligaas ay gacanta ku haysay dowladii Biizandhiyada.

Abuu Cubeyda oo markaas noqday Amiirka guud ee ciidamada Muslimiinta kadib markii xilkaas laga qaaday Khaalid binul Waliid ayaa u qaybiyay ciidankiisa 4 qaybood, waxaana uu Umuro uga kala dhigay rag kala ahaa Yaziid bin Abii Sufyaan oo uu u dhiibay Dimishiq iyo hareeraheeda, Camr binul Caas oo loo dhiibay mandiqadda Filastiin, Shuraxbiil bin Xasna oo isaguna madax looga dhigay Urdun, iyo Abuu Cubeyda oo isaguna sal dhigtay deegaanada Ximis iyo hareeraheeda dhaca.

Howsha raggan waxay ahayd in mid walbaahi uu Gaalada ka nadiifiyo dhulka loo dhiibay islamarkaana uu si buuxda ugu taago Raayada Towxiidka, waxaana ciidamo kale oo uu hogaaminayay Khaalid binul Waliid ay sii eryeen ciidamadii Ruum ee lagu jabiyay macrakada Al-Yarmuuk.

Qudus ayaa lahayd ahmiyad gaar ah marka loo eego dhanka Muslimiinta maadaama ay ahayd qibladii koowaad ee Muslimiinta, sidaas darteed waxaa shaki ku jirin in Muslimiintu ay xooga saarayaan, waana mida loo idmaday Camr binul Caas oo loo dhiibay mandiqadda Filastiin.

Muslimiinta ayaa go’doon adag oo dhinacyo badan leh kusoo rogay magaalada Al-Qudus, waxaana Abuu Cubeyda uu u bandhigay iney Islaamka qaataan ama jizyo dhiibaan hadii kalana ay dagaal isku diyaariyaan, balse faktii hore waxaa muuqaneysay in Reer Qudus ay diideen dalabaadkii Muslimiinta, sidaas ayaana loogu soo rogay go’doon adag.

Abuu Cubeyda ayaa fariin waxa uu u diray Khaliifkii Muslimiinta oo xilligaas ahaa Cumar binul Khadhaab, isagoona ka codsaday inuu soo aado Shaam, Cumar ayaa arinkaas kala tashtay Saxaabada kala ah Cali bin Abii Dhaalib iyo Cuthmaan bin Cafaan, waxaana Cali uu kula taliyay inuu baxo, halka Cuthmaan uu ku taliyay inuu iska joogo, Cumar ayaana qaatay taladii Cali, isaga ayaana lagu wareejiayay talada Madiina inta uu Cumar kasoo laabanayo.

Imaanshaha Cumar ee Qudus ayaa waxaa kusoo arooray Riwaayado kala duwan, waxaana mid kamid ah Riwaayadahaas ay sheegtaa in Cumar isaga iyo wiil Adoon u ahaa oo kaliya ay soo aadeen Qudus islamarkaana ay wateen hal dameer, marba midna uu fuulayay Dameerka, halka ay jirto Riwaayad kale oo sheegeysa in Cumar uu soo hogaamiyay ciidamo farabadan oo Muslimiinta gurmad u noqda.

Markii uu Shaam soo galay horay kama aadin dhanka Qudus balse waxa uu wajiga saaray deegaan lagu magacaabo Al-Jaabiyah halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen madaxdii Ciidamada Muslimiinta oo uu ugu sareeyay Abuu Cubeyda.

Soo dhaweyn kadib waxa uu Cumar halkaas ka jeediyay kalimad muhiim ah oo uu kula hadlay ciidanka Muslimiinta waxaana kamid ahaa khudbadaas hadal mudan in lagu qoro biya dahab ah kaas oo uu ku yiri “ qofkii Jannada rabaa ha laazimo Jamaacada, Shaydaanku wuxuu la jiraa halka, labaduna wuu ka fogyahay”.

Intaas kadib waxaa Al-Jaabiya soo gaaray ninkii madaxda u ahaa Nasaarada Al-Qudus oo lagu magacaabayay Al-Cawaam, waxaana halkaas isaga iyo Cumar ay ku saxiideen heshiis ay Taariikhdu diiwaan gelisay, kaas oo dhigayay in loo amaan geliyo naftooda, xoolahooda iyo Kanaa’istooda, taas bedelkeedana ay dhiibaan Jizyo laga qaadayo kuwooda awooda leh”.

Heshiiskan kadib waxay ciidankii Muslimiintu u dhaqaaqeen dhanka Qudus oo ay aad ugu hillow qabeen maadaama ay tahay halkii Loo dheelmiyay Rasuulkeena Scw, waxaana Nasaaradii ay Cumar ku wareejiyeen furayaashii masjidka Al-Aqsaa.

Cumar binul Khadhaab ayaa markii uu galay Qudus waxa uu salaad sunno ah ku tuktay gudaha masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, waxaana furashadan ay dhacday 13 bishii Ramadaan sanadkii 16 ee Hijriyada.

Balse Nasiib darro maanta waxaa Masjidka Al-Aqsaa xoog ku heysta Yahuuda oo lagu tiriyo kuwa ugu sharta badan inta uu Alle abuuray, islamarkaana beenta iyo dhagarta caanka ku ah, waxaana dhamaan Muslimiinta kala duwan looga fadhiyaa sidii ay ku furan lahaayeen Masjidkaas iyo guud ahaan dhulka Muslimiinta xooga looga heysto.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.