Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(11)
Macrakatu Malaad-Karad…
Loolanka aan dhamaaneyn ee ka dhexeeya Muslimiinta iyo Gaalada ayaa ah mid joogta ah, mar walibana aan laga waayin dunida, cida ku dooda in casri kamid ah waqtiyada Aduunkan aanu jirin Jihaad waa qof diidan Taariikhda, iskaba daaye inuu beeninayo Axaadiista iyo Aayadaha Qur’aanka ee cad cad.
Waana xaqiiqadaas mida keentay Macrakatu Malaad-Karad oo dhexmaratay dowladii muslimka ahayd ee Salaajiqada iyo Imbiraadooriyadii Ruumka qaybteeda bariga, waxaana ay dhacday Macrakadan bishii Ramadaan ee sanadkii 463 Hijriyada.
Macrakadan ayaa qaadatay magaca goobta ay ka dhacday oo lagu magacaabo Malaad-Karad, waana magaalo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee hoostaga gobolka Moos ee dalka Turkiga, waxaana ay ahayd magaalo dhufeyso adag leh islamarkaana ku wanaagsan dagaalka.
Sababta ay ku timid Macrakadan ayaa ahayd in imbiraadoorkii Ruumka oo lagu magacaabayay Roomaanos uu go’aansaday inuu Islaamka ka saaro magaalooyin uu ka maamulayay dhanka bari ee mamlakadiisa Rooma, waxaana dhulkaas maamulayay islamarkaana Islaamka ku dabaqayay dowladii Al-Salaajiqa ee Islaamiga ahayd.
Isagoo aad iskula wayn islamarkaana Kibir iyo is qaad-qaad uu ku jiro ayuu diyaariyay ciidamo tiro ahaan lagu sheegay 100 kun oo Askari illaa 200 oo kun, waxaana ay afka soo saareen ciidamadan dhulkii Islaamku ka talinayay.
Suldaankii xilligaas hayay talada Al-Salaajiqa oo lagu magacaabayay Alab-Arsalaan ayaa markii uu arkay weerarka lagu soo yahay waxa uu weerar kedis ah kala hortagay ciidamadii Ruum, Allah ayaana guuleeyay, waxaana billowgii macrakadaas kediska ahayd uu ku xanuunjiyay ciidamada Gaalada, calaamadaha guushuna waxay raaceen dhanka Muslimiinta.
Balse Suldaankan isagoo arkaya cadadka ciidanka cadowga ah ee kasoo horjeeda ayuu is tusay inaanu awoodin ka hortaga ciidamadan, taas bedelkeedana waxa uu ergo u diray Roomaanos isagoona ka codsaday in heshiis xabad joojin ah lala saxiixdo, balse Roomaanos ayaa mubaadaradan uu soo bandhigay Amiirka Muslimka ah ka arkay daciifnimo iyo inuu ka cararayo dagaalka, wuxuuna diiday codsigii loo soo jeediyay, isagoona ku qaabilay jees jees, isla wayni iyo Takabur, qofka noocaas ah ayaana la ogyahay halka u dambeysa sida ay na bartay Taariikhdeena.
Suldaan Alab-Arsalaan markuu arkay in la diiday codsigiisa waxa uu ku qasbanaaday inuu dagaalamo islamarkaana Ciidanka Muslimiinta ku hogaamiyo wadada Cizziga, waxaana uu la tashtay culimadii Muslimiinta ee xilligaas ku noolayd suldaankiisa, waxaana ay kula taliyeen in Macrakada uu ku aadiyo salaadda Khudbada kadib ee maalinta Jimca ah.
Alab-Arsalaan waxa uu aad u dhiira geliyey ciidanka Muslimiinta, waxaana uu dareensiiyay in dagaalka la galayo uu yahay mid masiiri ah, loona baahanyahay in la dhabar adeego, halkaas ayaana lagu galay baycatul Mowt ama beycada Geerida.
Isu dulleynta Allah iyo in marka ay Sayfuhu is dhaafayaan la bariyo Allah ayaa lagu tilmaamaa xilliyada ducada la aqbalo, sidaas darteed Suldaan Alab-Arsalaan fursadaas waa uu ka faa’deystay, isagoo saaxada dagaalka joogo ayuuna ka degay faraskiisa, sujuudna dhulka la dhacay, Allena wuu bariyay, waxaana tallaabtan lagu tilmaamay iney ahayd Tadaruc iyo inuu muujinayo inaanu jirin maanta awood aan ahayn tan Allah.
Waligeed ma dhicin in Muslimiintu u dagaalamaan dhul dartii ama in suldaankooda ay ballaariyaan, dagaalka ayaa lagu tiriyaa Islaamka dhexdii inuu yahay cibaadada ugu sarreysa , sidaa darteed marka ay Muslimiintu dagaalamayaan waxay ka tahay Cibaado, hadafka ay xaqiijinayaan waa in Kitaabka Allah lagu maamulo dunida, halka cadowgoodana uu u dagaalamo arimo Aduun, Takabur, labadaas qolana waxay u kala fogyihiin sida bari iyo Galbeed ukala fogyihiin.
Xaqiiq waxaa ah in hadii lala yimaado Asbaabaha Nasriga, lagana fogaado kuwa haziimada oo ay kamid tahay kala tagga iyo Tafaraaruqa uu Allah ka dhabeynayo ballan qaadkiisa ah inuu guuleynayo Muslimiinta, waana wixii dhacay markii suldaaan Alab-Arsalaan iyo ciidankiisa ay la yimaadeen asbaabihii guusha.
Malaad-Karad waxa lagu jabiyay ciidankii Ruum, waxaana isagoo nool gacanta lagu soo dhigay boqorkii maalmo yar un ka hor diidanaa inuu Xabad joojin la saxiixdo Muslimiinta oo ahaa Roomaanos.
Markii la hor keenay suldaankii Alabba-Arslaan ayaa la waydiiyay waxa uu sameyn lahaa hadii isagu uu gacanta ku dhigi lahaa Arsalaan, waxaana uu yiri “ wax kasta oo xun waan kugu sameyn lahaa”. Wuxuu ku yiri amiirkii Muslimka ahaa “ maxaad maanta naga fileysaa? Wuxuu ku jawaabay “ inaad I disho” halkaas ayaana lagu cafiyay boqorkaas, sii daysmadaas kaliya ayaana dersi u ah kuwa ku dooda in Jihaadku yahay kaliya dil iyo dagaal, balse Jihaadu waa Risaalo dacwi ah oo Islaamka lagu faafiyo.
Malaad Karad oo sidan soo sheegnay dhacday bil Ramadaan oo sanadka Hijriyadu ku beegnaa 463 waxay na bareysaa inaan sinaba looga wareegsan ka hortaga cadowga Saa’ilka ah ee doonaya qabsashada dhul Islaam, islamarkaana laga cabsan tirada iyo tayada cadowga, waa hubaal hadii Umadda Soomaaliyeed u kacdo iney iska saarto Shisheeyaha dhulkeeda xooga ku jooga iney iska saari karto awoodeenaba ha yaraatee, Afqaanistaan iyo Ciraaqna waxaa inoogu sugan Cibro iyo waano qaadasho.