Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(13)

Yarmuuk

Furashadii Al-Qaram ama Crimea..

Jaziirad u ekaha Al-Qaram ama sida dadka qaarkii u yaqaanaan Crimea waxaa dhanka Koonfur ka xiga dalka Ukarine, halka Galbeedkuna uu ka xigo badda Madow, waxaana sidoo kale ay deris la tahay dalka Ruushka, waxaana waagii hore loo yaqaanay magaca ah “Masjidka cad”, inta aysan toos ula wareegin dowladda Shuuciga ah ee Ruushka.

Jaziiradan oo marka si loo fiiryo ah mid yar ayaa hadana leh Ahmiyad Istiraatiijiyadeed, waxaana arinkaas aad uga dheregsanaa hogaamiyaashii Muslimiinta oo xooga saaray sidii Jaziiradan katirsan qaaradda Yurub ay u hoos geyn lahaayeen Xukunka Islaamka.

Jaziiradan waxa uu gaaray islaamka xilligii Tataarka, waxaana keenay Jaziiradan in Islaamka ay gacantiisa soo gasho waxaa mid kamid ah madaxdii Tataarka oo lagu magacaabi jiray Barakat Khaan kaas oo qaatay diinta Islaamka, kadibna bayco la galay khaliifkii Cabaasiyiinta Al-mustacsim billaahi.

Markii Tataarkii qaatay diinta Islaamka ay gaareen Jaziiradan waxay ka dhiseen masaajid farabadan, waxaana la dhisay magaalo lagu magacaabo Saray oo hadda loo yaqaano Saratof, si ay u noqoto caasimadda Muslimiinta Magooliyiinta ee qaatay Islaamka.

Dowladan oo Taariikhdu ugu magac daray dowladii Magoolka Muslimiinta ahaa ayaa xiriir wanaagsan waxay la lahayd mamaaliktii Shaam iyo Masar ka arimin jiray, waxaana si isku mid ah ay uga hortagi jireen xamalaadkii Bizandhiyiintu kusoo qaadi jireen dhulka Islaamka.

Kadib 120 sano oo dowladan ay awood lahayd ayaa waxaa ku billowday dacfi iyo taag dari kadib markii ay wada dagaalameen Muslimiinta kuwada noolaa Jaziiradda Qaram, waxaana taas ay keentay in Ruushku kusoo dhiirado inuu soo weeraro Jaziiradda balse waxaa ka hortagay xaakimkii muslimka ahaa oo lagu magacaabi jiray Toqtaamiish, waxaana taas bedelkeeda uu ku guuleystay in isaga iyo ciidankiisu ay gudaha u galaan magaalada Mosko sanadkii 783 Hijriyada.

Dowladii Cuthmaaniyiinta ayaa waxaa xidigeeda uu kasoo baxay dhanka Koonfurta, waxaana sanadkii 857 Hijriyada hogaamiye Muxamed Al-Faatix uu ku guuleystay inuu furto magaalada Al-Qusdhandhiiniyah, wuxuuna magaceeda u bedelay Istanbuul oo ka dhigan caasimadii Islaamka.

Nasaaradii Orthodokiska ee ka qaxay Qusdhandhiiniyah ayaa degay magaalada Mosko Ee Ruushka, waxaana wixi xilligaas ka dambeeyay Nasaarada ay bilaabeen in shacabkooda ay ku beeraan nacaybaka Muslimiinta, waxaana Ruushku hal cadow kawada dhigtay khilaafdii Cuthmaaniyiinta iyo Muslimiintii Al-Qaram, si taas lamid ah khilaafaduna waxay AL-Qaram kku tirisay dhul ay leeyihiin Muslimiinta.

Billowgii hore Cuthmaaniyiintu ma daneyn jirin Ruushka waxaana laga yaabaa iney awood ahaan liidi jireen balse markii Ruushku la wareegay imaaradihii Qaazaan, Bashqarad, Istarkhaan iyo kuwa kale waxay khilaafadu dareentay halista kusoo wajahan iyadoona go’aanstay iney qaado tallaabo qorsheysan.

Sanadkii 1571 Miilaadiyada waxaa suldaankii Cuthmaaniga ahaa ee lagu magacaabayay Saliim Al-Thaani uu diyaariyay ciidan gaaraya 120 kun, waxaana uu hogaamiye uga dhigay Doolt Kiiraay, inta ugu badan ciidamada ku duuley Moskona waxay kasoo jeedeen Jaziiradda Al-Qaram.

Hadafka Xamladan waxa uu ahaa in la edbiyo Ruushka oo dhaq-dhaqaaq waday lana hakiyo damacdooda, xaqiiqdiina way ku guuleysteen oo ciidankii Muslimiintu waxay si daran u jabiyeen Ruushka, iyagoona gudaha u galay Mosko kadib markii ay dileen 8000 oo katirsan ciidamadii Ruushka.

24 May sanadkii 1571 Miilaadiga ayay Muslimiintu istaageen Albaabka qasriga Carmalinka, waxaana markii ay lasoo baxeen hantidii dhix tiilay Qasriga ay dab qabad siiyeen guud ahaan magaalada, waxaana hogaamiyihii Muslimiinta uu lasoo noqday isagoo sita qanaa’im farabadan iyo maxaabiis gaaraya 150 kun oo Maxbuus.

Ruushku marna ma hilmaain cadaawada uu u qabo Muslimiinta si guud gaar ahaan kuwa Al-Qaram, waxaana markii ay daciiftay dowladii Cuthmaaniyiinta la wareegay Jaziiradan dowladda Ruushka sanadkii 1783, waxaana ay dileen 350 kun oo katirsan Muslimiintii Al-Qaram.

Muslimiintii Tataarka iyo kuwii Turkida ee joogay Jaziiradda Al-Qaram ayaa bilaabya weeraro iska caabin ah balse ma lahayn awood xoogan oo ay kaga hortagaan Ciidamada Ruushka.

Sanadkii 1928 Miilaadiyada waxaa Yahuudigii lagu magacaabi jiray Stalin uu damcay in Jaziiradda uu ka aas-aaso Kayaan Yahuud ah balse waxaa ku kacay Imaamyadii Masaajidda iyo caamadii Muslimiinta, waxaana Yahuuddu dileen 3500 oo Muslim ah.

Dagaalladii Koowaad iyo kii Labaad ee Aduunka ayaa aad u saameeyay Jaziiradan, waxaana isku heystay awoodihii xilligaas ka jiray Caalamka aanu ku noolnahay.

1770 Miilaadiyadu tirada Muslimiinta waxay ahaan jirtay %93, balse 1921 waxay noqdeen %22, waxaana taas ugu wacan in Gaaladu laayeen dadka Muslimiinta, halka wixii soo harana la barakaciyay.

Wali dad Muslimiin ah ayaa ku nool Jaziirada Al-Qaram, inkastoo dhibaato xoogan ay la kulmayaan, waxaana wali Ruushku qabaa cadaawad xoogan taas oo keeneysa in Ruushku ku dagaalmo in Jaziiradda Al-Qaram ay isagu hoostago.

Sanadkii 2014 waxaa codbixin uu soo abaabulay Ruushka islamarkaana ay sameeyeen dadka dega Jaziiradda Al-Qaram waxay ku gaareen iney noqdaan nidaam ka madax banaan Ukraine, islamarkaana cilaaqo wanaagsan la leh Ruushka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.