Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(14)
Furashadii Armiiniya…
Sidaad la socotaan Nasaaradii degi jirtay dhulka Armiiniya waxay hiil iyo hoobo la garab istaageen Tataarkii sida waalida oo kale ah ugu soo duulay dhulka Muslimiinta, waxaana Nasaaradii Armiiniya ay ka geysteen dhulka Islaamka gabood fallo aan ka liidan kuwii ay ku kaceen Tataarka Magooloyiinta.
Sidaad darteed waxay Muslimiintu ku tirin jireen Nasaarada Armiiniya iney yihiin cadowgooda ugu daran, waxaana ay go’aansadeen hogaamiyaashii Muslimiinta iney ka aargutaan Nasaarada Armiiniya wixii ka dambeeyey markii Tataarka lagu jabiyay Macrakadii Caynu-Jaaluut.
Xaakimkii Muslimka ahaa ee lagu magacaabi jiray Al-Daahir Biibaris ayaa go’aansaday inuu duulaan ku qaado boqortooyadii Armiiniya, waxaana arinakas uu ku sirreystay naftiisa oo cidina uma sheegin, waxaana uu diyaariyay ciidamo aad u farabadan isagoona soo xushay hogaamiyaashii ciidanka kuwoodii ugu wanaagsanaa.
Ciidamadii Muslimiinta ayaa kasoo tagay dalka Masar waxaana ay soo aadeen dhanka Shaam, balse markii ay soo dhowyihin ayaa loo leexiyay dhanka Wuqooyi oo ay ku aadanaayeen dhulkii ay isku hor fadhiyeen Muslimiinta iyo Nasaarada oo loo yaqaanay Ardu-Thuquur.
Sida ay Taariikhdu sheegeyso waxay Ciidamada Muslimiintu si dhib ah kaga gudbeen wabiga Al-Aswad loo yaqaano, waxaana ciidanka hogaminaya amiirka guud ee Al-Daahir biibaris, ciidamada ayuuna intooda badan tiriyay markii ay kasoo gudbeen wabiga, waxaana markaas kadib ciidamada loo kala qaybiyay guutoouyin mid walibana waxaa amiir looga dhigay Qaa’id sooma jeeste ah.
Sida caadada u ah ciidamada Muslimiintu ma su’aalo badno, mana ka hordhacaan awaamiirta qiyaadada, sidaas darteed ciidamadu ma waydiin amiirkoodu halka loo socdo, balse waxay arkayaan ayaa ah in Jihada Shaam laga wareegsaday.
Nasaaradii Armanka ayaa markii ay arkeen ciidamada Muslimiinta waxaa soo wajahay Argagax aan horey loo arag, waxaana si fudud ay kaga carareen magaalooyinka soo xigay dhanka Muslimiinta, iyadoona si buuxda ay ula wareegeen Muslimiinta, waxaana ay ku beegneyd markaas bishii Ramadaan sanadkii 673 Hijriyada.
Suldaan Biibaris ayaa waxa uu Alle u suura galiyay inuu ku ciido Madaxtooyadii boqorkii Armiiniya ee magaalada Siis, kadib markii laga eryay Nasaaradii ku sugneyd, sidaas ayaana Muslimiintu kusoo ceshteen guud ahaan magaalooyinka ay xilligii Tataarku la wareegeen Nasaaradi Armiiniya.
Sidaa ayuuna ku muteystay Suldaan Al-Daahir Bibaris inuu qaato magaca ah “Qaahiru Saliibiyiin”, waxaana loo aqoonsaday inuu yahay hogaamiye weyn oo Taariikhda Islaamka soo maray, layaabna malahana sababtoo ah wuxuu kamid ahaa Ardaydii Salaaxu-diin Al-Ayuubi, wuxuuna qaaday dhabbihii macalinkiisa ee ahaa Al-Jihaad Fii Sabiilillah.
Shucaradii xilligaas noolaa ayaa u dabaal degay Nasrigan weyn ee uu Alle kusoo hooyay gamcaha Al-Daahir Biibaris, waxaana ay ka tiriyeen Gabayo mug iyo micno weyn xambaarsan.
أي يــوم بنصــره قـد حُبينـا *** وبـه اللهُ قـــد أقــــرَّ العيـــونــا
يوم جزنا بلاد سيس وقلنـــا *** أيَّ نصــرٍ مــن ربنــا قد جُزينا
إذ تبدى السلطـان بين نجوم *** من بني الترك يعشقون المنونا