Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(15)

YarmuukFurashada Bilaaadu-Sindi ama Hindiya…

Marka laga hadlo dhanka Juqraafiyada waxaa Jaziirad u ekaha Hindi loo kala qaybin jiray labo qaybood oo kala ah “ Bilaadu-Sindi wal Bunjaab” iyo Bilaadul Hindi”.

Bilaadu Sindi ayaa waxaa lagu magacaabaa wadamada dhaca hareeraha wabiga Indus, kaas oo waa hore lagu magacaabi jiray Wabiga Mahraan islamarkaana kasoo burqada buuraha Kashmiir.

Magaalooyinka Sindi waxaa kamid ah Diibil oo hadda lagu magacaabo Karaaji, Qandaabiil, Qayqaan, Laahoor iyo kuwa kale.

Carabtu waxay ku magacaabi jirtay wadamada Sindi magac ah Thaqrul Hindi sababtoo ah waxaa looga gudbi jiray dhulka Hindiya.

Inta aan si guud loo furan dhulka Sindi waxaa ka horeeyey xamalaad is xig xigay oo Muslimiintu ku qaadayeen wadamadaas, waxaana camaliyaadkaas ay dhacayeen xilliyadii Cumar binul Khadhaab, tii Cuthmaan, Cali illaa laga soo gaaro khilaafadii Waliid binu Cabdil Malik.

Markii Xajaaj bin Yuusuf Al-Thaqafi uu Islaamku hoos keenay dhulka koonfurta Faaris waxa uu qaatay go’aanka ah inuu furto dhulka Sindi, waxaana ciidamo xoogan oo uu diyaariyay madax uga dhigay Muxamed bin Qaasim Al-Thaqafi oo uu adeer u ahaa, waxaana ninkan wixii xilligaas ka dambeeyey lagu naaneesi jiray Faatixu-Sindi.

Muxamed bin Qaasim ayaa ahaa waaliga dhulka Furus, waxaana xilligaas da’ ahaan uu jiray 27 sano, Xajaaj ayaa sameeyay diyaar garow dhan waliba ah, waxaana Muxamed bin Qaasim ciidankiisa lagu biiriyay shan kun oo Askari oo dhanka Shaam ka yimid, sidaas ayaana isku darka ciidankii uu u kaxeystay dhanka Sindi waxaa lagu qiyaasay 20 kun oo Askari, waxaana Xajaaj ciidanka duulayay uu lacag ahaan u siiyay 60.000.000 oo dirham.

Marka laga hadlayo furashada Sindi waxaa la dhihi karaa waxay martay Maraaxil kala duwan.

Ciidamadii uu hogaaminayay Muxamed bin Qaasim Al-Thaqafi ayaa markii ugu horeysay waxay degeen magaalo lagu magacaabo Makraan, maalmo ayayna degnaayeen halkaas waxaana magaaladan uu ka dhigtay saldhiga guud iyo halka uu ciidankiisu ka duulaan tagayo.

Tallaabada labaad waxay ahayd inuu go’doon geliyay magaalada Diibal, waxaana lagu garaacay qoriga Manajiiqa, waxaana Muslimiintu ku guuleysteen in mid kamid ah madaaficdii ay ridayeen ay ku dhuftaan dhismo lagu magacaabo Bud oo ay ku cibaadeystaan Buudiyiinta.

Kadib duminta macbadkaas waxaa magaalada ka cararay gaaladii ku sugnaa, waxaana gudaha magaalada galay Muslimiinta iyagoona ka dhigay dhul Islaam, waxaana la dejiyay 4 kun oo Muslim ah.

Furashada magaalada Diibal waxay saameyn wanaagsan ku keentay howlgalladii Mujaahidiintu ku doonayeen iney ku furtaan dhulka Sindi, waxaana furashada magaaladan kadib ay Gaaladu dalbadeen heshiis, cidii heshiis dooratana Muslimiintu way la galayeen, waxaana dhamaan magaalooyinka Sindi ay noqdeen mid xoog lagu furto ama mid iyadu is dhiibta.

Ciidamadii Muslimiinta ayaa ka gudbay wabiga Mahraan, waxaana ay is fara saareen ciidamo uu watay boqorkii ka talin jiray dhulka Sindi oo lagu magacaabayay Daahir, halkaasna waxaa ka dhacay macrako aad u kulul waxaana ay dhacday sanadkii 93 Hijriyada, macrakadaasna waxaa lagu dilay boqorkii Daahir.

Muxamed wuu sii watay furashadiisa, waxaana uu ka gudbay wabiga Biibaas, isagoona furtay magaalada Multaan oo katirsan gobolka Bunjaab.

Qaa’idkan ayaa markii uu furtay inta badan dhulka Bunjaab iyo Sindi waxa uu go’aansaday inuu ku duulo gobolka Kanyj, waxaana arinkaas uu kaga fasax qaatay Xajaaj bin Yuusuf, isaguna dhankiisa waa uu u idmay, balse isagoo diyaar garowgiisa sii wata ayaa waxaa geeriyooday Xajaaj iyo khaliifkii guud ee Muslimiinta, waxaana talada la wareegay Suleymaan bin Cabdil Malik, kaas oo dhankiisa xilka ka qaaday Muxamed bin Qaasim Al-Thaqafi kadibna waxaa lagu amray inuu yimaado magaalada Dimishiq, halkaas ayaana lagu dilay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.