Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(16)
Furashadii Bosno iyo Hirsik…
waxaan maanta ka hadli doonaa Inshaa Allah sidii Muslimiintu ku furteen dhulka haatan loo yaqaano Bosnia iyo Hirsik islamarkaana uga dhigeen dhul hoos yimaada khilaafadii Islaamiga ahayd ee Cuthmaaniyiinta.
Xilligaas dowladda Cuthmaaniyiinta waxay ku jirtay waqtiyadii ay uga awooda badneyd, waxaana duullaano joogta ah ay ku qaadi jirtay qaaradda Yurub qaybo kamid ah, haba ugu badnaatee dhanka bari ee Qaaradda Yurub.
Madaxdii soo maray khilaafada Cuthmaaniyiinta xilligeedii hore waxay caan ku ahaayeen Jihaadka, howshooda rasmiga ahna waxay ahayd in Islaamka ay difaacaan.
Muraadu-Awal bin Suldaan waxa uu kamid ahaa madaxdii soo maray dowladii Cuthmaaniyiinta, waxaana uu dhashay sanadkii 726 Hijriyada waxaana uu kusoo barbaaray dabeecad wanaag, diin jacayl isagoona arimahaas ka dhaxlay aabihiisa oo isaguna ahaa madaxdii soo maray Cuthmaaniyiinta.
Sanadkii 761 Hijriyada ayuu Muraadu-Awal waxa uu la wareegay talada khilaafada Cuthmaaniyiinta, waxaana howshiisa ugu horeysay ay ahayd inuu furtay magaalada Adranah, waxaana uu ka dhigay caasimadda rasmiga ah ee dowladda Cuthmaaniyiinta, sidaas ayayna ahayd illaa Cuthmaaniyiintu ka furanayeen magaalada Qusdhan-dhiiniyah.
Boqoradii ka arimin jiray qaaradda Yurub ayaa aad uga argagaxay awooda sii kordheysay ee dowladda Cuthmaaniyiinta, waxaana boqorkii Griiga uu heshiis la saxiixday dowladda Cuthmaaniyiinta balse markii dambe wuu jabiyay.
Boqoradii katalin jiray Yurub ayaa wada arkay sida ay Muslimiintu uga go’antahay furashada qaardda Yurub, waxaana ay isla garteen iney midoobaan islamarkaana ka hortagaan muslimiinta, waxaana arinkaas soo abaabulay baadrigii ugu weynaa Nasaarada.
Boqorkii Oorok Al-Khaamis oo ahaa madaxii Serbiya ayaa bilaabay diyaar garow xoogan oo uu ku doonayo inuu kusoo weeraro dhulka khilaafada Cuthmaaniyiinta, waxaana ku gacan siiyay dowladii Giriiga, Roomaanka iyo Hangry, waxaana ciidamada xoogan oo Nasaaro ah ay go’doon adag kusoo rogeen magaalada Adranah.
Khaliifkii Cuthmaaniyiinta ayaa isago ka maqan caasimadiisa waxa uu ka war helay weerarka lagu soo qaaday, waxaana uu lasoo noqday ciidamo xoogan uu watay, isagoona ku guuleystay inuu jabiyo gaaladii soo weerar tagay, halkaasna waxaa lagu dilay tiro aan la qiyaasi karin.
Natiijooyinkii ka dhashay macrakadan lagu jabiyay Serbiyiinta waxaa kamid ahaa in madaxdii dowladihii Bulgeeriya ay mid waliba iskeed heshiis ula gashay khilaafada, waxaana ay ka baqayeen in weeraro raddu ficil ah ay kala kulmaan Muslimiinta.
Sanadkii 781 hijriyada waxaa heshiis wada galay madaxdii Serbiya iyo Bulgeeriya waxaana ay isla garteen iney weerar ku qaadaan Muslimiinta balse markii ay arkeen ineysan awoodin waxay dalbadeen in heshiis lala galo islamarkaana sanad waliba ay dhiibaan Jizyo.
Heshiiskan masii daa’imin, waxaana ballanta ka baxay Gaaladii oo bilaabay diyaar garow weerar balse looma sugan oo waxaa weerar kuqaaday Muslimiinta kuwaas oo la wareegay magaalooyin farabadan oo dhaca dhulka Bulgeeriya, waxaana macrakadaas ay kusoo dhamaatay in nolosha lagu soo qabtay boqorkii Bulgeeriya ee gaalka ahaa, islamarkaana dhulkaas la hoos keeno khilaafadii Cuthmaaniyiinta.
Boqorkii Serbiya Azrar ayaa markii uu ka war helay taariikhda lagu dhigay Nasaarada Bulgeeriya waxa uu bilaabay diyaar garow, isagoona isku keenay maamuladii Serbiya, Bosnia, Hirsek kuwaas oo go’aansaday iney kusoo duulaan dhulka khilaafada, waxaana dhanka kale markii Muslimiintu arinkaas ka war heleen uu amiirkii khilaafada isugu yeeray dadkii Talada u saaxiibka ahaa waxaana lagu taliyay in laga hortago cadowga.
Ciidamadii Muslimiinta iyo Kuwii Gaalada ayaa isaga hor yimid macrako Taariikhi ah oo loogu magac daray Qoos Ooh, waxaana ay dhacday sanadkii 791 Hijriyada, waxaana laba dhinac ay dagaalameen dagaal masiiri ah oo in muda ah qaatay.
Macrakadan waxaa lagu dhaawacay boqorkii Serbiya Azrar, waxaana lagu dilay ciidamo aad u farabadan, waxaana macrkada goob joog ahaa suldaankii guud ee Cuthmaaniyiinta Muraad-Awal, kaas oo markii dambe isagoo fiir fiirinaya ciidamada lagu dilay macrakada uu waran ku muday askari gaal ah oo dhaawacnaa, sidaas ayuuna Alle kula kulmay.
Waxay Macrakadan sababtay in Muslimiintu si toos ah ula wareegaan dhulka Serbiya islamarkaana kusoo daraan Raayada Towxiidka, sida Bulgeeriyaba horey looga soo taagay, waxaana macrakadan ay dhacday horaantii bishii Ramadaan sanadkii 791 Hijriyada.