Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(2)

Yarmuuk

Waa qaybta labaad ee Sil-silada barashada Futuuxaadkii waaweynaa ee dhacay bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana Muslimiintu la galeen Gaalada, waxaana maanta idin soo gudbin doonnaa Macrakadii horudhac u ahayd in Islaamka uu sal dhigto dalka Ciraaq.

Waxaa lagu magacaabaa Macrakadaas Fatxul Buweyb waxaana ay dhacday bishii Ramadaan ee sanadkii 13 Hijriyada.

Marka laga hadlo tirada Ciidamada iska hor yimid waxay Taariikhdu soo gudbisaa in Gaaladu ay ahaayeen 60 -70 kun oo Askari, iyadoo ay sidoo kale jiraan kuwa ka badiya boqol kun, halka Ciidanka Muslimiintu tiro ahaan lagu sheegay 8000 oo Mujaahid.

Qaa’idka guud ee Ciidanka Mulsimiinta hogaaminayay wuxuu ahaa Saxaaabiga Jaliilka ah ee Al-Muthanaa bin Xaaritha, halka Ciidankii Furus uu hogaaminayay gaalka lagu magacaabo Mahraan.

Goobta ay ka dhacday macrakada waxaa lagu magacaabaa Al-Buweyb waxaana ay ku taallaa meel u dhow magaalada Al-Kuufa ee dalka Ciraaq inkastoo uu kala baro wabiga Al-Furaat.

Saxaabiga Al-Muthanaa ayaa maalinka ay dhaceysay macrakadan oo ahayd bisha Ramadaan waxa uu ku amray dhamaan ciidankiisa iney Af-furaan, si ay awood ugu yeeshaan dagaalka ay gali doonaan, ciidankii ayaana qaatay amarkiisa, waxaana uu heegan sare geliyay ciidanka Muslimiinta.

Al-Muthanaa ayaa heegan kadib waxa uu dhex maray guutooyinkii Ciidamada Muslimiinta, waxaana uu xusuusiyay Allah Cazza Wajalla isagoona ku dhiira geliyay iney samraan islamarkaana Muslimiinta sumcadooda ilaaliyaan.

Kadib Al-Muthanaa wuxuu ku dhawaaqay Takbiirta iyadoo ka dhigan in Macrakada la bilaabo, balse ciidamadii Furus ayaa markii ay maqleen Takbiirtaas waxay soo bilaabeen weerar xoogan, dagaal faraha looga gubtay ayaana dhacay.

Sufuuftii Muslimiinta ayaa waxaa ku yimid dul duleel, waxaana arinkaas ku baraarugay Al-Muthanaa, kadib ayaana wuxuu diray Fariin ah in Muslimiinta aan la ceebeyn islamarkaana la sugnaado, xilligaas oo la is waydaarsanayo Warmaha iyo seyfahana waxay Muslimiintu ahaayeen kuwa Allah baryay islamarkaana waydiisanaya in maanta uu guuleeyo.

Markii uu dagaalku cuslaaday kadib ayuu Al-Muthanaa waxa uu kulmiyay qayb kamid ah Ciidankiisa, waxaana uu ku amray iney dhabar jabin ka ilaaliyaan, isaga iyo ciidamo kalena waxay weerar xoogan ku qaadeen halka uu ku sugnaa Sarkaalkii guud ee Ciidamada gaalada ee Mahraan.

Muda kadib Muslimiintu way ku guuleysteen iney dilaan Qaa’idkii Furusta Majuusta ah Mahraan, waxaana dilka Taliyahaas ay keentay iney cararaan intii kasoo hartay Gaalada, waxaana la sheegaa in Qaa’idkaas uu dilay Saxaabiga Jariir Bin Cabdullahi Al-Bajali isagoona qaatay salabkiisa.

Qaa’idka Al-Muthanaa ayaa markii uu arkay jabka soo gaaray Ciidanka Gaalada waxa uu isaga iyo Majmuuco uu wato ay ka gudbeen buundada waxaana hadafkoodu ahaa iney u diidaan Gaalada iney insixaabaan, sidaas ayaana Ciidankii Gaalada waxay ku noqdeen kuwa go’doon ah sayfihii Muslimiinta ayaana looga shaqaysiiyay.

Tirada Gaalada looga dilay macrakadaas taariikhda gashay waxay gaaraysaa illaa 50 kun oo Ruux, halka Muslimiintuna macrakadaas uga shahiidaan rag farabadan oo Muslimiinta magac iyo maamusba kulahaa.

Sidaas darteed waxay Macrakada Al-Buweyb ka dhigneyd billowga furashada dhulka Al-Raafideyn, waxaana Macrakadan laga garan karaa in Muslimiinta aanu waligood uga guuleysan Cadowgooda tiro badnaan, sababta keeneysa jabka Muslimiinta ayaan ah dunuub ay galaan iyo Cujbi gala Qalbigooda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.