Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(3)

Yarmuuk

Waxaan maanta idin soo gudbin doonaa sidii Muslimiintu ku furteen dhulka loo yaqaano Al-Nowbah.

Dhulkan oo ah mid aad u ballaaran ayaa dhaca koonfurta dalka Masar, waxaana uu soo gaaraa illaa wuqooyiga dalka Suudaan, waana dhul Juqraafiyadiisu aad u wanaagsantahay islamarkaana dadkiisu badanyihiin, ayna Muslimiintu marar badan isku dayeen iney furtaan.

Markii Muslimiintu furteen dhulka Masar waxay xooga saareen sidii ay u ta’miinin lahaayeen dhulkan cusub ee daa’irada Islaamka soo galay, waxaana halista ugu badan ay Muslimiintu ka dareemayeen dhanka Koonfureed oo ay ka dhisneyd Mamlako Nasraaniyad ah oo ay leeyihiin Reer Nowbah.

Hadafku kaliya ma ahayn in la ta’miiniyo Masar, balse waxaa kaloo jiray qorshe ah in Islaamka lasii fidiyo, islamarkaana dhulkaas dadka ku nool la gaarsiiyo diinta Islaamka, waana midii ay go’aansadeen ciidankii Faatixiinta ahaa.

Sida ku cad Taariikhda, dadka Reer Nowbah waa kuwa dagaalyahanno ah islamarkaana ku dheereeya shiishka, waxaana Muslimiintu isku dayeen waagii khilaafadiI Cumar binul Khadhaab iney furtaan balse foodo way galin kari waayeen, waxaana Muslimiintu halkaas kasoo gaaray waxyeelo badan iyagoo waxkabadan 150 Mujaahid ay gaaladu ka rideen indhaha kadib markii Gamuun ay la heleen, waxaana macaariktaas ay dhaceen sanadkii 21 ee Hijriyada.

Muslimiintu kama quusan furashada dhulkan oo dadkiisu badnaayeen, waxaana mar waliba ay la imaanayeen qorshe iyo aragti cusub oo dadkan lagu gaarsiin karo Islaamka, waxaana ay isla garteen Muslimiintu inaan reer Nowbah dagaalka waxba looga qaadi karin ayna tahay in lala saxiixdo heshiis maslaxad weyn ay ugu jirto Muslimiinta.

Cabdullahi bin Camar binul Caas ayaa inbadan isku dayay inuu furto dhulkan, waxaana ay dhabar adeegeen kudhowaad 20 sano, balse waaligii Masar ee khilaafadii Cuthmaan bin Cafaan Cabdullaahi bin Sacad ayaa la gaaray heshiis nabadeed kaas oo in muda ah shaqeeyay balse markii dambe way jabiyeen, waxaana Waaligu uu hor kacay ciidamo farabadan oo katirsan Muslimiinta, mar kale ayaana dagaal culus lala galay Reer Nowbah.

Magaaladii Danqalah oo caasimad u ahayd Mamlakadii Nowbaha ayaa ciidamada Muslimiintu hareereeyeen, waxaana lagu garaacay madaafiicda Manjaniiqa, si daran ayaana loo halakeeyey dadkii ku sugnaa magaalada, balse Muslimiintu kuma guuleysan xilligaas iney jirada u siibaan guud ahaan boqortooyadooda.

Kadib Go’doon dheer oo muda qaatay ayay Reer Nowbah waxay ergo uso dirsadeen dhanka Waaliga Muslimiinta ee Masar, iyagoona codsaday in heshiis lala galo, islamarkaana wax waliba ay ogol yihiin.

Bishii Ramadaan ee sanadkii 31 ee Hijriyada ayaana Muslimiintu heshiis qodobo badan ka kooban ay la saxiixdeen Gaaladii Nowbah, waxaana qodobada heshiiska kamid ahaa in la is dhexmaro, In Muslimiintu masjid ka dhistaan dhulka Nowbiyiinta, iyo sidoo kale in lasoo celiyo Adoonkii kasoo carara Muslimiinta.

Heshiiskan oo ahaa mid kumeel gaar ah ayaa la yimid miro aan la filaynin kaas oo ah in markii Reer Nowbah ay arkeen Islaamka iyo waxa u yahay ay si iskood ah u qaateen diinta Islaamka ee xaniifka ah, sidaas ayaana dhulka Nowbah uu ku noqday dhul taabacsan khilaafada Muslimiinta, waxaana laga taagay Raayada Islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.