Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(4)
Boqorkii Ruum ee lagu magacaabi jiray Tayuufiil bin Makhaa’iil ayaa weeraro kusoo qaaday dhulkii Muslimiinta ee ay ka talineysay khilaafadii Cabaasiyiinta, markii uu arkay in inta badan ciidanka Muslimiintu ku mashquulsanyihiin dagaallo ka socday wadanka haatan lagu magacaabo Adribijaan oo lagula jiray koox fitno wadayaal ah oo ku kacay waxyaabo Shareecadu xarimatay.
Ciidamo lagu qiysaasay kumanaan kun ayuu usoo diray magaalooyinka Muslimiinta, waxaana ciidamadan ay ku kaceen Tacadiyaad aad u xanuun badan oo ay kamid tahay iney Sabaayaad ka dhigteen gabdhaha Muslimaadka, iyagoona sidoo kale dilay Caruurta iyo waayeelada, waxaana intaas u dheeraa in Ciidamadiisu suurad xumeeyaan maydadka Muslimiinta oo ay ka jareen dhegaha iyo sanka.
Khaliifkii xilligaas talada hayay waxaa lagu magacaabi jiray Al-Mucatasim billahi, waxaana markii xadgudubyadan ay ku kacday boqortooyadii Ruumka ee Qusdhan-dhiiniyah xarunteedu ahayd u yimid khaliifka Ergooyin farabadan oo mid waliba ka sheekeyneysa dhibaatada ay la kulmayaan Muslimiinta.
Magaalooyinka uu xadgudubka ka geystay ciidanka Ruum waxaa kamid ahaa magaalada Maldhiyyah, waxaana uu halkaas ka geystay ciidanka gaalada waxyaabo aan laga sheekeyn karin, dumarkii halkaas lagu qafaalay waxaa kamid ahaa haweeney lagu magacaabo Sharaat Al-Calawiyah, taas oo iyadoo Xabsi ku jirta ku dhawaaqday Waa Mucatasimaaaah!!
hadalkaas waxaa uu soo gaaray Amiirka Muslimiinta Al-Muctasim billahi, waxaana uu bilaabay diyaar garow xoogan oo ku aadan sidii uu ugu gurman lahaa Muslimiinta dhibaateysan, waxaana uu diyaariyay ciidamo farabadan.
Wuxuu isugu wacay dhamaan umuradii Jayshka, waxaana uu kala tashtay halka ay ku duulayaan, isagoona waydiiyay magaalada ugu adag ee Ruumka ka taliyaan, waxaana la isku waafaqay iney tahay magaalada Cammuuriyah, taas ayaana laga dhigay hadafka Ciidamada Muslimiinta.
Bishii Jamaadul Awal sanadkii 223 Hijriyada ayaa waxaa dhaqaaqay ciidamada Muslimiinta, waxaana hogaanka siday Khaliifka Al-Muctasim billaahi, markii ay gaareen meel u dhow magaalada Dhardhuus ayuu u qaybiyay ciidankiisa labo qaybood.
Qayb waxaa hogaaminayay qaa’idka lagu magacaabo Al-Afshiin waxaana wijhada ciidankan ay ahayd magaalada Anaqara, guutada labaadna waxaa hogaaminayay nin lagu magacaabo Ashnaas, waxaana isaguna uu qaaday dhabbe kale inkastoo hadafku ahaa in lagu kulmo meel u dhow magaalada Anqara, ilaaladii Khaliifka iyo ciidankii uu watay oo uu la jiro Khaliifka ayaan raacay raadka Ciidamada uu hogaaminayo Ashnaas.
Boqorkii Imbiraadooriyada Ruumka ayaa ka war helay duulaanka Ciidamada Muslimiinta, waxaana uu diyaariyay ciidamo xoogan oo kamiino u dhigay kuwa Muslimiinta, khaliifkii ayaana u baqay ciidankii uu hogaaminayay Al-Afshiin wuxuuna isku dayay inuu digniin gaarsiiyo balse ma awoodin waxaana afka iska daray ciidmadii Al-Afshiin iyo kuwii gaalada.
25 Shacbaan ee sanadkii 223 Hijriyada waxaa meel lagu magacaabo Dazmuun kuwada dagaalamay ciidamadii Muslimiinta iyo kuwa Ruumka, halkaasna waxaa jab aan laga soo waaqsan lagu gaarsiiyay kuwii gaalada, waxaana horudhac u ahayd jabka soo socda ee Gaalada Ruum la gaarsiin doono Inshaa Allah.
Boqorkii Ruum ayaa la insixaabay qaar kamid ah ciidamadiisa waxaana uu ku laabtay magaalada Qusdhan-dhiiniyah isagoona ka tagay ciidamo uu hogaaminayo nin uu Abti u ahaa oo lagu magacaabo Manaadhis, balse isaguna masii adkeysan oo waa la jabiyay ciidamadiisa, Muslimiintuna sidaas ayay ku galeen magaalada Anqara, balse hadafku ma aheen magaaladan.
Boqorkii Ruum ayaa usoo diray amiirka Muslimiinta ergay isaga ka socdo, isagoona codsaday in heshiis lala galo islamarkaana waxa uu ballan qaaday inuu dhisi doono magaalooyinkii uu dumiyay, uuna xabsiga kasii dayn doono maxaabiista uu ka hayo Muslimiinta, waxaana arinkan ku qasabay markii uu arkay sida ay Muslimiintu uga go’antahay iney cadowgooda la kulmaan, balse Muctasim wuu diiday, Ergaygii lasoo dirana wuu ka mamnuucay in durba uu laabto.
6 Ramadaan sanadkii 223 Hijriyada waxay Ciidamada Muslimiinta go’doon adag kusoo rogeen magaalada Cammuuriyah, waxaana dadka magaaladan ay galeen diyaar garow xoogan iyagoona soo xirtay albaabadii waaweynaa ee magaalada laga soo gali jiray.
Dulqaad dheer kadib, 17 Ramadaan ee isla sanadkan 223 waxay Muslimiintu galeen magaalada Cammuuriya, iyagoo takbiirsnaya islamarkaana Towxiidka ku dhawaaqaya, gumaad ba’an ayaana lagala dul dhacay Gaaladii magaalada ku sugneyd, waxaana dhamaan magaalada la wareegay Mujaahidiinta marka laga reebo hal dhufeys mooye, waxaana dhufeyska ku jiray ciidamo uu wato gaalkii lagu magacabi jiray Manaadhis.
Manaadhis ayaa diiday inuu is dhiibo, balse muda kooban kadib gacanta ayaa lagu soo dhigay, waxaana la hor keenay amiirkii Muslimiinta Al-Muctasim billaahi isaga ayaana gacantiisa ku dilay.
Sidaas ayaana lagu furtay magaalada Cammuuriyah, waxaana Mulsimiintu ka heleen Qanaa’im aad u farabadan oo nooc waliba isugu jirta.
Muctasim ayaa damcay inuu sii wado dagaalka illaa uu ka furto magaalada Qusdhan-dhiiniyah balse uma suura galin, sababtoo ah furashada magaaladaas ma ahan howl fudud, waxaana dhanka kale Amiirka ku kacay kuwa jaga doon ah oo isku dayay inay la wareegaan talada dowladda Cabaasiyiinta, sidaas ayuuna ugu qasbanaaday inuu dib ugu laabto Caasimadiisa Baqdaad.