Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(5)

Yarmuuk

Furashadii Jaziiradda Qubrus.

Jaziiradda Qubrus waa Jaziirad katirsan ama hoostagta Qaaradda Yurub, waxayna u dhexeysaa dalalka Turkiga iyo Giriiga, iyadoona ay ku noolyihiin dad isugu jira Muslimiin iyo Gaalo intuba.

Waa jaziirad Istiraatiiji ah waxaana dhanka bari ay kaga taalaa badda Medeterianka, marka Taariikhda dib loo fiiriyana waxay waligeed ahaan jirtay halka ay kasoo dagaal tagaan Nasaarada kusoo duuli jirtay wadamada Muslimiinta.

Muslimiinta ayaa Jaziiradan furtay waaya hore gaar ahaan xilligii Mucaawiyah bin Abii Sufyaan waxaana sanadkii lafurtay uu ku beegnayd 28 Hijriyada, Jizya ayayna sanad waliba dhiibi jireen, balse markii Muslimiintu daciifeen waxay Gaaladii Yurub isku dayeen iney dib u qabasdaan deegaano farabadan oo ay ku jirto Qubrus wayna ku guuleysteen.

Sanadkii 769 Hijriyada boqorkii Qubrus ayaa isagoo hogaaminaya ciidamo Nasaaro ah oo aad u farabadan waxay kusoo duuleen magaalada Al-iskandariyah ee dalka Masar, iyadoo aan laga war helin dhaq-dhaqaaqooda, halkasna waxay ka geysteen gumaad iyo dhac baahsan iyagoona sidoo kale afduubtay dad Muslimiin ah.

Xaakimkii ka talinayay dalka Masar oo lagu magacaabi jiray Al-Ashraf Barasbaay ayaa go’aansaday inuu furto Jaziirada Qubrus, waxaana uu la yimid diyaar garow kasta oo ku saacidaya furashada Jaziiradan.

Inta aanu duulaanka rasmiga ah qaadin ayuu Boqorkan diray Xamalaad is xig xiga oo hadafkoodu yahay in lagu barto Jaziirda islamarkaana lagu soo istidlaaco si ciidamada ku duuli doono ay ugu fududaato Furashadeeda.

Xamalaadka la diray oo gaaraya illaa labo Xamlo ayaa ku guuleystay howshii loo diray, waxaana ay lasoo noqdeen Qanaa’im kala duwan, iyadoona ay intaa u dheertahay iney soo kala barteen Jaziiradda Qubrus.

Sanadkii 829 Hijriyada ayaa waxaa dhaqaaqay Xamlo xoogan oo ay hogaaminayaan 4 kamid ah hogaamiyaashii ugu sareeyey masar, waxaana la diyaariyay saddex Markab oo daabulaya Ciidamada Muslimiinta.

Inta aysan soo bixin Ciidamada Muslimiinta waxaa soo sogootiyay shacabka iyo Culimada waxaana Allah looga baryay inuu guuleeyo, iyadoona halkaas ay isku dhex darsantay ilmada dadka Muslimiinta oo muujineysa iney ka beri noqdaan wax kasta oo awood ah.

Maraakiibtii Muslimiinta ayaa soo gaaray Jaziiradda Qubrus, waxaana ay bilaabeen furashada magaalaba magaalada ku xigta, iyadoona la jabiyay ciidankii Gaalada, waxaana Nasaaradii Qubrus ay dalbadeen iney usoo gurmadaan Nasaaradii Yurub.

Balse gurmadkaas waxba sooma kordhin, ciidanka Muslimiintuna way furteen caasimadii Boqortooyadii Qubrus iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan sanadkuna waxa uu ku beegnaa 829 Hijriyada.

Kadib furashada Jaziiradan waxay Muslimiintu gacanta kusoo dhigeen Qanaa’im farabadan iyo maxaabiis Kirishtaan ah waxaana maxaabiista lasoo qabtay ku jiray boqorkii Nasaarada Qubrus, waxaana loo soo kaxeeyay dalka Masar.

Markii uu arinkaas ogaaday boqorkii muslimka ahaa ee dalka Masar aad ayuu ugu farxay, waxaana uu la ooyay farxad darteed, dadkii la joogana iyaguna way ooyeen.

Sidaas ayaana Muslimiintu ugu suura gashay furashada Jaziiradda Qubrus iyadoo ay ahayd xilliga la furtay bil Ramadaan, waana calaamad muujineysa in bishan ay tahay bil Futuuxaad.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.