Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(6)
Macrakadii Caynu-Jaaluut.
Sidaad ku barateen barnaamijkii sanadkii hore ka baxay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan islamarkaana loogu magac daray Taariikhda Tataarka, waxay Tataaarku si indha la’aan ah kusoo jeexeen dhul ballaaran oo ay ka talinayeen dadka Muslimiinta illaa markii dambe ay soo gaareen magaalada Baqdaad oo ahayd Caasimadii khilaafada Cabaasiyiinta.
Markii ay la wareegeen Ciraaq iyo Shaam, waxay is tuseen Tataarku in halka kaliya ee u harsan ay tahay dhulka Masar oo ay ka dhisneyd dowlad Islaami ah, waxaana soo baxay Ciidamo farabadan oo uu hogaaminayo Qaa’id Tataari ah oo lagu magacaabo Katabqaa.
Ciidamadan oo ahaa kuwa aad u farabadan ayaa hadafkoodu ahaa iney soo gaaraan magaalada Al-Qaahira ee caasimadda Masar, waxaana hogaamiyihii Muslimka ahaa ee lagu magacaabayay Al-Mudafar Qudhuz uu qorsheeyey inaanu suganin Tataarka islamarkaana uu ka hortago.
Ciidankii Muslimiinta iyo kuwii Tataarka ayaa ku kulmay deegaan yar oo lagu magacaabo Caynu-Jaaluut oo dhaca inta u dhexeysa magaalooyinka Biisaan iyo Naabulis ee dalka Filastiin.
Deegaankan ayaa ah meel tog ah islamarkaana ay ku badantahay dhirta, biyuhuna ay meel waliba ka maraan, waxaana ku hor maray Muslimiinta, halkaas ayayna ka dhigteen Mucaskarka rasmiga ah.
Muslimiintii dalka Filastiin, kuwii Shaam, iyo Masar ayaa markii ay maqleen diyaar garowga ay wadaan Muslimiinta waxay dhamaantooda soo doonteen Jihaadka, xitaa kuwii Mustadcafiinta ahaa ayaa dagaalka yimid iyagoona duceynaya, Tawaaduca iyo Tadaruca ayaana kamid ah Asbaabaha guusha lagu helo.
Al-Mudafar Qudhuz ayaa ciidankiisa u kala qaybiyay labo qaybood, qayb kamid ah waxaa loo dhiibay Qaa’id la oran jiray Ruknu-diin Bibaris, waxaana ay saldhigteen afaafka hore ee toga, qaybta labaadna waxaa hogaaminayay Al-Mudafar waxaana ay kamiin ka galeen bartamaha howdka, aad ayayna isku qariyeen.
Ciidankii Katabqaa ayaa siday usoo socdeen waxay soo gaareen afaafka hore ee Caynu Jaaluut, waxaana ay arkeen oo keliya tiro yar oo katirsan Mulsimiinta oo saaran qaybta sare ee Toga, wuxuuna mooday in ciidankaas ay yihiin dhamaan Muslimiinta balse dhabarka dambe ee Toga ayaa waxaa ku jiray ciidamo aad u farabadan oo uu hogaaminayo Al-Mudafar Qudhuz.
Waxaa afka is daray ciidankii uu watay Katabqaa iyo Mujaahidiintii ku beegneyd afaafka hore ee Caynu-Jaaluut, waxaana halkaas ka dhacay dagaal faraha looga gubtay, kaas oo ciidankii Muslimiintu ku sugnaadeen islamarkaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Tataarka.
Muslimiintu waxay isticmaalayeen Ishaaraad iyo tilmaamo aysan fahmeyn Tataarka, waxaana markii la halakeeyay Tataarka ay isku dayeen iney insixaabaan balse uma suura galin oo waxaa dhabarka ka istaagay ciidamo uu watay Ruknu-Din Biibaris.
Tataarka oo arkay iney halaag ku suganyihiin islamarkaana baaba’oodu soo dhawaaday ayaa si indha la’aan ah kusoo jeexay ciidankii Muslimiinta, waxaana u suura gashay iney ka insixaabaan Caynu Jaaluut balse khasarahoodu ma ahayn mid yar.
Ciidankii Tataarka ayaa u insixaabay magaalada Biisaan oo taqriiban 20KM ka fog deegaanka Caynu-Jaaluut balse lagama dabar harin, waxaana eryay ciidankii Muslimiinta khasaarahoodiina wuu sii batay.
Dagaalkan oo dhacay bishii Ramadaan ee sanadkii 658 Hijriyada ayaa noqday kii ugu horeeyay ee jab xanuun badan lagu gaarsiiyo Tataarka, waxaana uu sidoo kale horudhac u noqday in Tataarku ka baxo dhulkii uu Muslimiinta waaya hore ka qabsaday.