Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(6)
Dagaalkii Al-Mansuurah…
Macrakadan lagu magacaabo Al-Mansuura waxay ka dhacday magaalo lagu magacaabo Al-Mansuura oo ku taalla dalka Masar, waxaana ay dhacday macrkadu sanadkii 647 Hijriyada.
Waxa uu u dhexeeyay dagaalkan dowladii Ayuubiyiinta oo ka talin jirtay dhulka Shaam iyo Masar, iyo boqortooyadii Kirishtaanka ee ka talin jirtay dalka Faransiiska.
Boqorkii Faransiiska ninka lagu magacaabo Luwiis Al-Taasic ayaa weerar xoogan kusoo qaaday Muslimiinta Masar, waxaana hadafkiisu ahaa inuu u gurmado Nasaaradii lagu jabiyay dagaallo ka dhacay dhulka Filastiin ee Shaam.
Amiirkii muslimka ahaa ee Al-Saalix Ayuub ayaa ka war helay xamlada ay Gaaladu kusoo qaadeen dhulka Masar, waxaana xilligaas uu ku sugnaa magaalada Dimishiq, markiibana wuu soo baxay isagoo waliba xanuunsan waxaana soo raacay ciidamo Muslimiin ah.
3 bishii Safar sanadkii 647 Hijriyada ayuu soo gaaray Amiirku gobolka Al-Diqhaliyah ee dalka Masar, halkaas ayuuna ka dhigtay Mucaskarka uu ka duulayo Ciidankiisa islamarkaana taliska ballaaran u ah, waxaana goobtaas soo gaaray Mujaahidiin farabadan oo isaga kala yimid dalalka Shaam iyo Maqribul Islaam.
Al-Saalix Ayuub ayaa bilaabay diyaar gareynta ciidamo xoogan kuwaas oo shaqadoodu tahay difaacida magaalada Dimyaadh, sababtoo ah waxa uu Amiirku ogaa in magaaladan ay tahay hadafka Ciidamada Gaalada.
Ciidamo kasoo jeeda Qabiilka Banii Kinaana oo lagu yaqaano geesinimada ayaana dusha laga saaray difaacida magaaladan, iyadoona loo dhamaystiray qalab Militeri wax waliba oo ay u baahnaayeen, sidoo kale waxaa dhanka galbeed ee magaalada Dimyaadh loo diray ciidamo uu hogaaminayo Qaa’idkii lagu magacaabi jiray Fakhru-diin Yuusuf kuwaas oo hadafkoodu ahaa iney noqdaan kooxda ugu horeysa ee fooda gelisa ciidamada Gaalada marka ay barriga cagta soo saaraan.
Waaberigii maalintii Jimcaha taariikhduna ku beegnayd 20-Safar 647 Hijriyada waxaa cagta dhulka soo dhigay ciidankii Gaalada ee badda kusoo socday, waxaana dhacay dagaallo koo kooban, balse waxa ciidankiisa lasoo insixaabay hogaamiye Fakhru-diin Yuusuf, wuxuna dib ugu soo laabtay Taliskii uu ku sugnaa amiirka ee ku yaalay gobolka Al-Diqhaliya.
Reer Dimyaadh ayaa iyaguna markii ay maqleen insixaabka Ciidankii Muslimiinta iyo iney Gaaladu soo dhowyihiin waxay bilaabeen iney ka qaxaan magaalada Dimyaadh, waxyar kadibna waxaa magaalada dagaal la’aan soo galay Ciidankii Saliibiyiinta.
Boqorkii Al-Saalix Ayuub ayaa aad uga carooday arinkaas, waxaana uu dhaliilay Tabar darida iyo tallaabada uu ku dhaqaaqay Qaa’idkiisa Fakhru-diin Yuusuf, wuxuuna ku qasbanaaday in ciidankiisu kala guuro halka uu ku sugnaa islamarkaana uu saldhigto magaalada Al-Mansuura.
Kadib markii Gaaladu la wareegeen Dimyaadh madhicin dagaallo sidaas loo sheegi karo, balse howshu waxay ku koobneyd oo kaliya howlgallo qorsheysan oo ay fulin jireen ciidamada Inqimaasiyiinta Mujaahidiinta kuwaas oo gacanta kusoo dhigayay maxaabiis, wixii ay ka gaaraana soo dili jiray.
Dhanka kale Ciidankii badda ee Muslimiinta ayaa go’aansaday iney go’don galiyaan ciidamada Gaalada ee ku sugan magaalada Dimyaadh, waxaana ay go’doon qaatay 6 bilood oo dhanka badda ah kusoo rogeen Saliibiyiintii Dimyaadh qabsaday.
Luwiis Al-Taasic ayaa magaalada Dimyaadh waxa uu ku sugayay ciidamo uu soo wato nin kale oo walaalkiisa ah, markii uu u yimidna waxa uu dhisay gole Milliteri oo dejiya qorshaha ay ku doonayaan iney kula wareegaan dhulka Masar, waxaana hadafka koowaad ay ka dhigteen magaalada Al-Qaahira.
12 shacbaan ee sanadkii 647 waxay Cidankii Gaalada kasoo dhaqaaqeen magaalada Dimyaadh, iyagoona afka soo saaray dhanka ay ku suganyihiin Ciidamada Muslimiinta, jihooyin kala duwan ayayna Gaaladii ku baxeen, waxaana sidii ay u soo socdeen soo gaareen meel ay deganyihiin Muslimiinta ayna kala barto kaliya qanaatka loo yaqaano Ashmuum ama badda yar.
Iyadoo ay xamaldaas socoto ayaa waxaa geeriyooday Amiirkii Muslimiinta Al-Saalix Ayuub, xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Shajaratu-Dur ayaana qaadatay go’aan ah iney qariso khabarka geeridiisa, waxaana ay fariin u dirtay wiilkii boqorka oo lagu magacaabayay Towraan Shaah, iyadoona ku dhiira gelisay inuu soo si dhaqsi ah ku yimaado Masar uuna la wareego taladii uu Aabihii ka geeriyooday.
Ciidankii Saliibiyiinta oo taageero ka helaya kuwa Murtadiin khawano ah ayaa ku guuleystay iney kasoo gudbaan Ashmuum ayna gudaha usoo galaan magaalada Al-Mansuurah, nasiib darro Muslimiintu arinkaas kama war helin waxaana ya kusoo baraarugeen kaliya iyadoo ciidamo uu wato hogaamiye kaafir ah oo lagu magacaabayay Robert Orto ay ka dhex dagaalamayaan magaalada Al-Mansuura.
Dadka ayaa aad u qal-qalay waxaana ciidankii Gaaladu ka geysteen magaalada Xasuuq ba’an iyagoona dilay wixii ay arki kareen, waxaana markii dambe soo rogaal celiyay ciidankii Muslimiinta oo uu hogaaminayo nin lagu magacabo Biibaris, waxaana 4 dul-qacada sanadkii 647 dagaallo dhacay lagu jabiyay gaaladii soo iqtixaamtay magaalada Al-Mansuura halkaas ayaana lagu dilay hogaamiyihii watay Gaaladii soo gashay Al-Mansuura oo lagu magacaabo Robert.
8 Dul-qacda sanadkii 647 Hijriyada waxay Muslimintu dagaallo culus ku qaadeen Mucaskaraatkii Gaalada, halkaasna waxaa khasaare xoogan lagu gaarsiiyay ciidankii Luwiis Al-Taasic balse ma noqon mid ay ku jabaan oo waa ay sugnaadeen, balse waxaa sidaas ku dhamaaday qaybtii labaad ee Macrakada Al-Mansuura waxaana Luwiis uu yaqiinsaday iney lagama maarmaan tahay inuu u insixiaabo magaalada Dimyaadh.
23 Dul-Qacda waxaa dalka Masar soo gaaray Towraan Shaah, isaga ayaana la wareegay hogaanka Ciidanka Muslimiinta waxaana markiiba uu dejiyay qorshe lagu cirib tirayo Ciidankan soo gar darrooday.
Waxaa la qaatay go’aan ah in doonyo lakala fur furo islamarkaana Geela dhabarkiisa lagu qaado, lana geeyo dhabarka dambe ee Gaalada, waana la yeelay, waxaana doonyahaas ay noqdeen kuwa laf dhuungashay ku ah Gaalada, sababtoo ah waxay beegsanayaan doonyaha gurmadka ah ee u imaanaya Gaalada.
Go’doon adag ayaa lasoo dersay Luwiis Al-Taasic, waxaana mucaskaraatkii Gaalada ka dillaacay Macluul, cuduro iyo waxyaabo aan la aqoon, waxaana Luwiis uu codsaday in heshiis lala galo, taa bedelkeedana uu isaga baxayo Dimyaadh, Muslimiintuna soo wareejiyaan Qudus, waase laga diiday dagaal ayaan lagu iclaamiyay.
Saq dhexe ayay ciidankii Gaalada ka carareen magaalada Dimyaadh balse kama daba harin Muslimiintu, waxaana dhacay dagaallo Malaaxim ah oo lagu dilay toban kun oo katirsan Ciidankii Gaalada, halka lagu soo afduubtay boqol kun oo katirsan Ciidankii Gaalada waxaana ku jiray Luwiis Al-Taasic.
Luwiis Al-Taasic ayaa loo soo wareejiyay magaalada Al-Mansuura halkaas ayuuna muda maxbuus ku ahaa illaa markii dambe laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaareysa 40 kun oo diinaarka ah.
Sidaas ayaana Macrakadii Al-Mansuura ku noqotay mid waarta islamarkaana gumaad daran lagu gaarsiiyo Gaaladii sida kibirka iyo islawaynida ugu soo duulay dhulka Muslimiinta Masar, waana mida la rabo in dadka Muslimiintu ogaadaan in Gaal kasta oo ku duula dal Islaam ciribtiisu dambe noqon doonto mid aan la mahdin.