Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(7)

Yarmuuk

Furashada Makkah……….Furashadiid weyneyd.

Heshiiskii dhexmaray Rasuulka Scw iyo Quraysh ee loogu magac daray Suxlul-Xudaybiyah islamarkaana dhacay bishii Dul-Qacda sanadkii 6-aad Hijriyada ayaa horseeday in la furto magaalada Makkah islamarkaana ay noqoto mid kamid ah daarihii Islaamka.

Sidaad lawada socotaan waxay Saxaabadu iyo Rasuulkuba doonayeen iney soo gutaan Waajibaadka Xajka islamarkaana ay dib ugu soo noqdaan magaalada Madiina balse Quraysh ayaa arinkaas diiday, islamarkaana is hor taagtay, waxaana markaa kadib la gaaray heshiis labada dhinac ah oo ka koobnaa qodobo aad u badan, ayna kamid yihiin in Rasuulka Scw iyo Saxaabadiisu dib u laabtaan oo aysan sanadkan gudanaynin Xajka.

Inta badan Saxaabada Rasuulku heshiiskan kuma qancin waxaana dadka sida tooska ah u mucaaraday kolkii hore kamid ahaa Cumar binul Khadhaab inkastoo uu degay markii ay soo degtay Aayado Qur’aanka Kariimka ah kamid ah oo ku tilmaamay heshiiskaas Furasho wayn.

Balse Quraysh ayaa jabisay qayb kamid ah qodobadii lagu heshiiyay, kadib markii ay usoo hiilisay Qabiilka Bakar oo Aanooyin hore kala dhexeysay reer banii Quzaaca oo dhankooda bah wadaag la ahaa Rasuulka SCW islamarkaana intooda badan ay soo islaameen.

Quraysh iyo Reer Bakar oo is kaashanaya ayaa kusoo duulay reer Banii Quzaaca waxaana taas ay ka dhingeyd in Quraysh ay jabisay heshiiskii maadaama ay kusoo duushay Qabiil Rasuulku uu isbahaysi la yahay, wixii ka dambeeyay markaasna waxaa la bilaabay diyaar garow xoogan oo lagu doonayo in lagu dumiyo nidaamkii Kufriga ee ka jiray Makkah.

Abii Sufyaan bin Xarbi oo xilligaas gaal ahaa ayaa markii uu arkay in la jabiyay heshiiskii waxa uu soo aaday Madiina si uu Nabiga uga raali geliyo arinkaas islamarkaana loo cusbooneysiiyo mar kale heshiiska, balse dheg jalaq looma siin, Makkah ayuuna isaga noqday markii uu arkay in Nabigu uu dagaal ka go’anyahay.

Rasuulka Scw wuxuu Alle ka baryay in Gaalada Quraysh uu ka indha tiro hadafka uu Nabigu leeyahay islamarkaana khabarkiisu gaarin, Allena wuu ka aqbalay, waxaana saxaabi lagu magacaabayay Xaadhib bin Abii Baltaca isagoo Muta’awil ah uu fariin u diray Makkah isagoo ku war gelinaya in lagu soo wajahanyahay.

Jibriil Calayhi Salaam ayaa Nabiga u sheegay in warqad sir ah oo ku socota Makkah ay sido haweeney islamarkaana ay meel dhexe mareyso, markiibana labo saxaabi oo ku dheereeya farada Eryinta ayaa laga daba diray haweeneydaas sida warqadda uu Xaadhib qoray, waxaana labadaas Saxaabi ay kala ahaayeen Al-Miqdaad iyo Cali bin Abii dhaalib.

Markii la akhriyay warqadda lana arkay qofka diray oo ahaa Xaadhib bin Abii baltaca waxa uu Nabigu waydiiyay waxa arinkan ku kallifay, wuxuuna ku jawaabay ineysan ka ahayn Gaalnimo iyo Iimaankiisa oo uu iibsaday balse uu u baqay caruurtiisa iyo ehelkiisa jooga magaalada Makkah uuna doonayay in warqadan ay sabab u noqoto in la badbaadiyo Ehelkiisa.

Cumar binul Khadhaab oo goobta ku sugnaa ayaa Nabiga ka idin dalbay si uu u dilo Saxaabiga Xaadhib bin Abii Baltaca oo ficilka uu ku dhacay ah Naaqid buranaya Islaamka balse isagu uu Maanic ka reebay, balse Nabiga ayaa ka diiday, wuxuuna ugu jawaabay “ Xaadhib wuxu ka qayb galay Badar, maxaa ku ogaysiiyay inuu Alle daalacday Reer Badar uuna ku yiri sameeya waxaad rabtaan, waan idin dembi dhaafay”.

Markii u dhaamaday diyaar garowga islamarkaana Qabaa’ilkii Mulsimiintu ay jiho waliba ka yimaadeen iyagoo doonaya iney kamid noqdaan ciidanka furanaya Makkah ayaa waxaa 10 Ramadaan ee sanadkii 8 Hijriyada dhaqaaqay Ciidankii Muslimiinta, waxaana siday u socdeen ay gaareen nawaaxiga magaalada Makkah.

Al-Cabaas bin Cabdhil Mudhalib oo ahaa adeerka Rasuulka Scw ayaa ka hor yimid ciidankii Muslimiinta isagoo wata caruurtiisa islamarkaana doonaya inuu usoo hijroodo Madiina, sidaas ayuuna ku baaqday kuna haray, islamarkaana ku noqday Muhaajirkii ugu dambeeyey ee kasoo baxa Makkah sida uu Abuu Salama u ahaa Muhaajirkii ugu horeeyay ee kasoo baxa magaalada Makkah.

Nabiga ayaa ku amray ciidanka Muslimiinta iney wada afuraan si ay awood dheeraad ah ugu yeeshaan dagaalka, waxaana Askari kasta la amray in uu iskiishu u shito dab si argagaxa dheeraad ah loogu rido Quraysh oo ay ugu maleeyaan dab kasta oo meel ka shidan in hal guuto ay tahay, waxaana dabka la shiday uu noqday 10 kun oo dab.

Cabaas ayaa magaalada si qarsoodi ah ku galayay, waxaana eheladiisa iyo dadka qaraabada u ah uu ku dhiira gelinayay iney Nabiga u tagaan islamarkaana amaan waydiistaan, waxaana dadkii uu soo waday kamid ahaa Abuu Sufyaan, kaas oo markii dambe islaamay, waxaana uu helay sharaf ah in la amaan galiyay qof kasta oo gala gurigiisa.

Dagaalka Nafsiga ayaa kamid ah dagaallada ugu waaweyn ee lagu jabiyo Umadaha, Rasuulkeena Muxamed Scw ayaana arinakas aad uga dheregsanaa, waxaana uu amray in Abii Sufyaan lagu rido Haziima Nafsiyah si uu Reer Makkah ugu wariyo waxa uu soo arkay, waxaana lagu xiray meel lagu magacaabo Waadi Marri-Dahraan, waxaana hortiisa guuto guuto usoo marayay Ciidanka Muslimiinta, markii uu arkay ciidanka Muslimiinta fara badnaantooda ayuu Abii Sufyaan ku yiri Al-Cabaas “ wallaahi maanta Ina Adeerkaaga wuxu Alle siiyay Boqortooyo weyn”, Al-Cabaas ayaa ku yiri “ waxani waa Nabanimada”.

Raayada Ansaarta waxaa siday Sacad bin Cubaada oo caan ku ah Qiiradiisa aadka u daran, waxaana markii uu arkay Abii Sufyaan ku yiri “ maanta waa maalin dagaal, Alle wuu dulleeyay Quraysh”, Abii Sufyaan ayaa arinkaas uga sheegtay Nabiga, waxaana raayadii laga qaaday Sacad iyadoona lagu wareejiyay wiilkiisa Qays.

Qaar kamid ah dhalinyaradii Quraysh iyo wax ma garadkoodii ayaa diiday iney hubka dhigaan waxaana ay door bideen iney la dagaalaan Ciidanka Muslimiinta.

Raayaadka Muslimiinta waxaa kala siday Khaalid binul Waliid, Zubeyr binul Cawaam, iyo Abii Cubeydah binul Jarraax oo hogaaminayay ciidanka lugta ah, guuto kastana jiho ayay kasoo gashay magaalada, waxaana Nabiga Scw uu galay magaalada isagoo saaran hashiisa islamarkaana madax hoos u dhigaya heer la sheego in garkiisa uu hasha dhabarkeeda taabanayay.

Wuxuu toos u aaday Kacbada, isagoona salaamay Xajarul Aswadka, waxaana uu burburis ku bilaabay Asnaamtii tiilay gudaha Kacbada.

Guushaas kadib waxa uu Nabigu Scw kulmiyay Reer Makkah, waxaana uu waydiiyay waxay ka filayaan inuu maanta kula dhaqmo, waxya ku jawaabeen waxaad tahay walaal wanaagsan oo ina walala wanaagsan ah, Nabiga Scw ayaana ku iri iska baxa waad fasaxantihiine.

Balse cafiskan kama reebin Nabigu inuu daadiyo dhiiga dad cadaawadoodu ay xadigeedu dhaaftay, waxaana qaarkood lagu dhex dilay iyagoo ku dhegan Tiirarka kacbada.

Muslimiintii Ansaareed ayaa markii ay arkeen Fatxigan wayn waxay isugu sheekeeyeen in Nabigu uu degi doono Makkah islamarkaana uusan u laaban doonin Madiina, Nabiga ayaa markii uu arinkaas maqlay ugu jawaabay “ Macaadallah Noloshu waa noloshiina, Geeriduna waa geeridiina”, waana hadal muujinaya in Nabiga Scw uu ku laabanayo Madiina uuna ku sugnaan doono illaa uu ka geeriyoodo.

Sidaas ayaa magaalada Makkah waxay ku noqotay Daar Islaam islamarkaana lagu dumiyay carshigii Qureesheed ee gaalnimada ku dhisnaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.