Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(8)

Yarmuuk

Macrakatu Shaqxab.

Macrakatu Shaqxab wuxuu ahaa dagaal qaraar oo sanadkii 702 Hijriyada dhexmaray Muslimiintii Shaam iyo Masar oo iskaashanaya iyo kooxihii Tataarka oo kadib macrakadii Caynu-Jaaluut wali ahaa awood jirta inkastoo jab aan laga soo waaqsan lagu gaarsiiyay.

Sida caadada u ahayd Tataarku waxay ahaayeen ciidamo farabadan oo halkii mar kumanaan kun ku dhaqaaqa, waxaana hadafkoodu ahaa kaliya iney wax dilaan ayna wax dhacaan.

Tataarku markii lagu jabiyay Caynu Jaaluut waxay tobanaan sano kadib ay go’aansadeen iney dib u cusbooneysiiyaan Xamalaadkooda ayna tirtiraan dowladii Al-Mamaaliik, waxaase markaas jiray baraarug xoogan.

Khaliifkii Al-Mustakfi billahi iyo Suldaankii Al-Naasir oo ku sugnaa Masar ayaa markii ay maqleen damaca Tataarka waxay iyagoo kaashanaya Culimada Muslimiinta ku dhiira geliyeen dadka iney diyaar garoobaan islamarkaana Tataarka la iska dhiciyo.

Bishii Rajab sanadkii 702 Hijriyada waxaa xoogeystay wararka sheegaya in Tataarku ay ka go’antahay iney soo galaan Shaam, waxaana warkaas aad uga arga-gaxay Reer Shaam oo is tusay ineysan iska dhicin karin Tataarka maadaama xilligaas ay badneyd wararka kuturi kuteynta ah ee sheegaya inaan la iska dhicin karin Tataarka.

Reer Shaam caadadoodu waxay ahayd marka ay baqayaan iney akhriyaan Saxiixul Bukhaariga, masaajidka weyn ee Dimishiq ayaana laga qanuudayay.

Sida uu sheegayo Ibnu Kathiir waxaa 18 Shacbaan sanadkii 702 Hijriyada kayimid Masar ciidamo farabadan oo ay hor kacayaan Umuradii waaweyneyd ee Masar, waxaana arinkaas uu khafiifiyay cabsidii ay dadku dareemayeen maadaama walaalahooda oo gurmad ahi u yimaadeen.

Ciidankii Tataarka ayaa gurguurad kadib waxay yimaadeen Ximis iyo Baclabak waxaana ay ka geysteen fasahaad farabadan, kuwa Murjifiinta ahna waxay xilligaas qaadanayeen dowrkooda ah iney dadka sii cabsi geliyaan balse Culimada haba ugu caansanaadee Sheekhul Islaama Ibnu Taymiyah ayaa madaxdii joogtay Shaam iyo dadkuba ku qanciyay in cadowgan laga hortago.

Dadkii Reer Dimishiq iyo Umuradooda ayaa isku dhaarsaday in la iska dhiciyo Tataarka, islamarkaana aan laga barakacin magaalada Dimishiq, waxaana dhanka kale Sheekh Ibnu Taymiyah uu ku boorinayay Muslimiinta in gamcaha la is qabsado.

Ibnu Taymiyah ayaa ku dhaaranayay in markan ay Muslimiintu guulyesanayaan, waxaana Umurada ay ku dhihi jireen Inshaa’Allah raaci, isaguna wuxuu ku jawaabi jiray waa Inshaa’Allah oo xaqiiq ah ee ma ahan mid Tacliiq ah.

Ibnu Taymiyah iyo jamaaco farabadan ayaa subixii khamiista ka baxay magaalada Dimishiq, qaar kamid ah wax magaradkii magaalada ayaa mooday in Shiikhu uu insixaabi rabo, waxaana ay ku yiraahdeen inaguna waxaad naga mamnuucday inaan baxno, adiguna ma insixaabeysaa, hasayeeshee uma aanu jawabin.

Ciidankii Muslimiinta ayaa dhaqaaqay waxaana ay gaareen tuulo lagu magacaabo Al-Kaswah, halka Tataarkuna uu soo dhaqaaqay soona gaaray mee lagu magacaabo Faarah, iyadoona ay jiraan warar kale oo sheega iney soo gaaraan qaryada Al-Qadhiifa, dadka ayaan isku naxay waxaana ay moodeen in la jabiyay Muslimiinta, duco ayayna bilaabeen.

Tataarku masoo galin Dimishiq, sababtoo ah waxay dareemayaan in la jabin karo islamarkaana awood xoogan ay ka hor imaan karto, balse meel dhinac ka ah Dimishiq ayay ciidankooda isugu geeyeen.

Markii Ciidanka Muslimiintu yimaadeen tuulada Al-Kaswah, waxay ka dalbeen Ibnu Taymiyah inuu u tago ciidanka Muslimiinta ee Masar kasoo gurmaday islamarkaana uu dagaalku soo geliyo.

Horay ayuu Shiikhu dalabkaas ka qaatay waxaana uu u tagay amiirkii ciidankii Muslimiinta Masar, isagoona ku adkeeyey in cadowga la wajaho, waxaana Amiirkii Muslimiinta masar uu ka codsaday Sheekha in dagaalka uu dhankoodu ka galo, balse wuu diiday Sheekha waxaana sunna ah buu yiri in qofku ka hoos dagaalamo Raayada ehelkiisa.

Maalintii Sabtida oo Taariikhduna ku beegneyd 2 Ramadaan sanadkii 702 Hijriyada waxaa aad loo nidaamiyay ciidankii Muslimiinta, iyadoona amiirkii Suldaan iyo khaliifkii Al-Mustakfi billahi ay dhexmarayeen ciidamada, waxaana ay ku dhiira gelinayeen in la sabro, dhamaan ciidankii Muslimiintana way Afureen si ay awood dheeraad ah ugu yeeshaan Dagaalka.

Deegaan lagu magacaabo Sahlu Shaqxab ayaa waxaa isku fara saaray ciidamadii Tataarka iyo kuwii Muslimiinta, waxaana Muslimiintu ay halkaas ka dhigeen wacadaro cajiib ah oo xilliyo dhow aan indhaha la saarin, Allahna wuxuu Sakiino kusoo dejiyay dhamaan Mujaahidiintii Macrakadaas xaadirtay.

Gelinkii hore Umuro farabadan iyo Mujaahidiin ayaa ku shahiiday dagaalka, balse waxaa soo Rogaal celiyay Mujaahidiinta iyagoona xasuuq wadareed kala dul dhacay Gaaladii Tataarka.

Dagaalka ayaa soo gaaray illaa habeenkii, waxaana markaas Tataarku u insixaabeen dhanka buurta Jabaul Qabaa-qib, markii la gaaray waaberiga ayay Tataarku kasoo degeen buurta iyagoo doonaya iney ka insixaabaan Jihada bidix oo Muslimiintu meel uga baneeyeen si looga dabaraaco.

Muslimiinta ayaa daba raacay Raadka ciidankii Tataarka ee la jabiyay, waxaana lasii dilay tiro kale oo aad u farabadan, iyadoona maxaabiis nool nool gacanta looga dhigay, magaalada Al-Qaryaten ayaana lagu gaaray baxsadkii Ciidamada Tataarka.

Maalintii Isniinta oo taariikhdu ku beegneyd 4 Ramadaan ayaa waxaa magaalada Dimshiq kusoo laabtay ciidankii Muslimiinta oo uula socdo Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyah, waxaana loo soo dhaweeyey si aad u wanaagsan iyadoona loogu hambalyeeyey guushii uu Allah ku sababaray gacmahooda.

Sidaas ayaa Macrakadii Shaqxab ku noqotay mid waarta, waxaana ay Muslimiintu tustay awooda ay leeyihiin marka ay mideysanyihiin islamarkaana ay iskaashadaan, waana sida laga rabo Muslimiinta Soomaaliyeed iney midoobaan hadiiba ay doonayaan iney dalkooda ka saaraan Xabashida iyo Shisheeyaha kala duwan ee kusoo duulay dalkeena.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.