Wax kabaro dagaalladii waaweynaa ee Muslimiintu la galeen Gaalada.(9)
Qazwatu-Badar…Maalinkii Xaqqa iyo Baadilku kala cadaadeen. (Qazwatul-Furqaan)
Qazwadii Badar waxaa lagu tiriyaa dagaalkii ugu horeeyey ee dhexmara Xaqqa iyo Baadhilka, waxaana lagu magacaabay maalinkii kala baxa, ka sheekeynteeduna waxay leedahay dhadhan gaar ah kaas oo kuu muujinaya ineysan Guushu ku xirneyn Tirada iyo Tabarta.
Muslimiintu waxay Makkah kaga soo hijroodeen dhamaan wixii hanti ah ee ay heysteen, waxaana ay aad u jeclaayeen in Quraysh ay ka aargutaan, Allah ayaana u fasaxay iney Jihaadaan iskana dhiciyaan kuwii kusoo xadgudbay.
Nabiga Scw oo ahaa Xakiim dagaalyahan ah ayaa markii la idmay Jihaadka waxa uu xooga saaray dagaalka dhanka Dhaqaalaha ah, kaas oo hadii aad cadowga ka naafeyso uusan awoodi karin inuu kula dagaalamo, sidaas darteed ayuu Nabigu sanadkii koowaad ee Hijriyada waxa uu diray Saraayaad xiriir ah oo hadafkoodu ahaa iney jidka u galaan kolonyadii Safarleyda Ganacsiga ee Shaam ka imaan jirtay.
Markii la gaaray sanadkii labaad ee Hijriyada waxa uu Rasuulku ka war helay kolonyo ballaaran oo uu hogaaminayo Abi Sufyaan islamarkaana sida hanti iyo xoolo farabadan ay kusii jeedo magaalada Makkah, waxaana Nabigu diyaariyay ciidan isaga ayaana hogaamiyay, qorshuhuna wuxuu ahaa in kolonyadaas iyo ragga wataba gacanta lagu soo dhigo.
Balse Abuu Sufyaan oo ahaa nin caqli badan islamarkaana dal yaqaan ahaa ayaa ka war helay in Nabiga Scw iyo Saxaabadiisu kusoo wajahanyihiin ayna doonayaan iney la wareegaan hantida uu wato wuxuuna fariin qaylo dhaan ah ugu dhiibay Quraysh nin lagu magacaabo ضمضم بن عمرو الغفاري ,si deg deg ah ayuuna ku gaaray Makkah isagoona ku war geliyay Quraysh iney difaacdaan hantidooda.
Madxweynta Quraysh oo aad uga carooday warkaas ayaa diyaariyay ciidamo aad u farabadan, waxaana isku duba ridka howsha lahaa fircoonka Umadan Abuu Jahal, kaas oo ku dhaartay inuusan dib usoo laaban doonin illaa Nabiga iyo Saxaabadiisu jabiyo islamarkaana ceelka badar uu khamriga ku cabo, Carab oo idilna ay maqlaan warkiisa, balse Halaagiisa ayuu usoo sahay qaatay.
Abuu Sufyaan iyo kolonyadiisa ayaa wadadii la filayay iney soo maraan mooye qaaday mid kale oo dhanka xeebta ah, sidaas ayayna kaga dhuunteen ciidankii Muslimiinta, waxaana markii uu soo badbaaday uu fariin kale ku celiyay Quraysh taas oo ugu sheegayay iney iska laabtaan balse way ka diideen.
Rasuulka Scw ayaa ka war helay in Abii Sufyaan uu ka leexday wadada, islamarkaana Quraysh ay soo kicisay wixii ay awood ah ee ay heysay, xilligaas ayuu Nabigu aad u jecleystay inuu ogaado fakarka Ansaar iyo Muhaajiriin ee ku aadan dagaalka, wuxuna ku cel celin jiray “ Dadow ila taliya”.
Muhaajiriinta waxaa u hadlay Abuu Bakar, Cumar iyo Al-Miqdaad hadalkoodana aad bay u wanaajiyeen waxaana ay sheegeen ineysan ka hari doonin Rasuulka Scw, balse Nabigu Scw wali wuxuu ku celinayaa hadalkii ahaa ila taliya.
Ugaaskii Ansaareed Sacad bin Mucaad ayaa fahmay ujeedka Rasuulka Scw, waxaana uu ku yiri “ Alle ayaan ku dhaartee inaga inaad na dooneyso baad u muuqataa”? Haa ayuu ku jawaabaya Nabiga Scw.
Sacad bin Mucaad ayaa goobta ka sheegay hadal mudan in lagu qoro biyo Dahab ah islamarkaana Nabigu aad ugu farxay, wuxuu yiri “Inagu waan ku rumeynay islamarkaana waan ku aaminnay, waxaana ka marqaati kacnay in waxaad wado ay yihiin Xaq, waxaana arinkaas kugu siinay ballamo ad adag oo ah inaan ku adeeceyno kuna maqlayno, ee nagu kaxeey waxaad doonto, Allihii xaqqa kugu soo saaray baan ku dhaaranaye hadii aad dhex dabaalato badda inaguna waan kugula dhex dabaalaneynaa oo qofna nagama harayo, mana kahaneyno inan bari la kulano Cadowga, waxaanu nahay kuwa ku sabra dagaalka, marka la kulmana wixii ay ballan qaadeen ka dhabeeya..”
hadaladan ay ku hadleen Ansaar iyo Muhaajiriin aad ayuu ugu farxay Rasuulka Scw.
Markii Mujaahidiintu ay is arkeen iney kawada go’antahay iney dagaallamaan ayaa la bilaabay in la doorto goobta cadowga lagula kulmayo, waxaana Saxaabiga Al-Xabaab binul Mundir uu soo jeediyay in biyaha ceelka Badar la mariyo dhabarka Muslimiinta si gaalada ay biyo la’aan u noqoto, taladiisana wuu ku raacay Nabigu Scw.
Sacad bin Mucaad ayaa soo jeediyay in Nabiga loo dhiso Teendho noqoto xarunta hogaanka, waxaana Nabiga Scw waardiyeyaal u noqday Abuu bakar iyo Cali bin Abii Dhaalib, hareeraha Teendhadana waxaa Isweer ka qabtay ciidamo Ansaar ah oo uu soo diyaariyay Sacad bin Mucaad.
Tirada guud ee ciidanka Muslimiintu waxay ahaayeen 313 Mujaahid, waxayna wateen labo Faras oo kaliya, halka ciidankii Gaalada Quraysheed ee kasoo baxay Makkah tiro ahaan lagu sheegay 1300 Askari, waxaana ay wateen boqol Faras, marka labada ciidan la isku fiiriyana waxaa muuqata inaysan isku dhawayn.
Markii la gaaray xilliga habeenka ayuu Nabigu scw bilaabay inuu Alle isu dulleeya, ducada ayuuna aad u badiyay, waxana waxyaabihii uu yiri kamid ahaa “ Allow hadii aad maanta halaagto kooxdan dib dhulka laguugu caabudi maayo”.
Ciidamadii Quraysh ayaa dhankooda waxaa soo kala dhexgalay khilaaf daran, waxaana ay ku kala aragti duwanaadeen iney galaan dagaalka iyo iney iska dhaafaan inkastoo markii dambe loo batay in Muslimiinta la wajaho.
Qofkii ugu horeeyay ee shidaal u noqda dagaalka waxa uu ahaa gaalka lagu magacaabo Al-Aswad bin Cabdil Asad Al-Makhzuumi kaas oo uu dilay saxaabiga Xamza bin Cabdhil-Mudhalib, waxaana markaas kadib mubaarazo usoo baxay saddex katirsan madaxweyntii Quraysheed oo kala ahaa Cutba, wiilkiisa Al-Waliid iyo walaalkiisa Shaybah.
Waxaa usoo baxya saddex kamid ah Mujaahidiintii Ansaareed balse way diideen waxayna dalbadeen iney usoo baxaan dadka ay iyagu isku heebta yihiin, Nabiga ayaana markaas u saaray Ragga kala ah Cubeyda binul Xaarith, Xamza iyo Cali bin Abii Dhaalib, saddexii Kaafirna meeshaas ayaa lagu dilay.
Markii la dilay saddexdaas waxaa aad u carooday Gaaladii, hal mar ayayna weerar xoogan oo saf ballaaran ah kusoo qaadeen Muslimiintii, sayfaha iyo warmaha ayaana la iskula tagay.
Qazwadan Badar waxay muujisay heerka Caqiidada Al-Walaa wal Baraa ka joogeen Saxaabada waana sida haatan nalooga baahanyahee, waxaana Saxaabiga Abuu Cubeyda uu qazwadaas gacantiisa ku dilay Aabihii, halka Cumar binul Kadhaab uu dilay Abtigii.
Waxyaabaha kale oo aan la hilmaami karin waxaa kamid ahaa in labo wiil oo lagu kala magacaabi jiray Mucaad bin Camr iyo Macuud bin Cafraa ay maalinkii oo dhami raadinayeen Abuu Jahal oo ay rabeen iney ka takhalusaan maadaama uu Nabigu aad u dhibi jiray, dhabtiina way ku guuleysteen hammigooda oo waa ay dileen sida Riwaayaadka qaar ay sheegaan, waxaana Abuu Jahal madaxa kasoo gooyay Saxaabiga Cabdullahi bin Abii Mascuud oo Nabiga u keenay.
Qazwadii Badar ayaana ku dhamaatay dilka 70 Kamid ah madaxweyntii Quraysheed iyo soo qafaalida 70 kale, waxaana guushan aad ugu farxay Muslimiintii Madiina oo Takbiir iyo Tahliil kusoo dhaweeyay.
Gaaladii Makkah ayaan maqlay sidii loo galay madaxdooda iyo ciidankooda, waxaana bakhtigii Gaalada uu Nabigu amray in lagu tuuro ceelka Badar.
Sidaas ayaana Qazwatu Badar ku noqotay mid waarta islamarkaana kala cadeysay Xaqqa iyo Baadhilka, waxaana ay dhacaday bishii Ramadaan ee sanadkii labaad ee Hijriyada.