Weligaa qoraxdoo soo jeedda ma suxuuratay, mana afurtay?
Haddii aad joogto meel afar iyo laabatanka saac ay u qeybsan yihiin laba iyo Toban saac oo maalin ah iyo iyo laba iyo toban saac oo habeen ah waxaa jira wadamo sidaa ka duwan
Meelaha qaar waxaa jirta in 24-ka saac bilaha qaar habeen wada yihiin bilaha qaarna maalin wada yihiin.
Waxaa ka mid ah meelaha sidaa ah gobalo ka tirsan dalka Norwey ee qaaradda yurub ku yaal.
Cabadulqaadir Cali Yaroow oo ka mid ah Soomaalida dalkaa ku nool ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxa uu kaga sheekeeyay cimilimada iyo culeyska ay ku hayso.
Wuxuu sheegay in qoraxda mar waliba soo jeedaa sababto hurdo la’aan taana cuduro kala duwan laga qaadayo.
Iminka oo Bisha Barakeysan ee Ramadaan lagu jiro ayuu sheegay in ay la soomaan dalka sucuudiga kadib markii sidaas ay u fatwootay culumo dalalka muslimiinta qaarkood ka socatay oo hadda ka hor dalkaa booqatay wuxuuse hoosta ka xariiqay in ay jiraan dad iyaga mucaaradsan oo dhibaato ku haya.