Xarakada Alshabaab oo sheegatay Mas’uuliyada Weerar Lagu Dilay Askar Kenyaan ah.
Weerar dhiig uu ku daatay islamarkaana dhaliyay qasaaro hanti ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo kamid ah kuwa Booliska Kenya.
Sida Wararka Ay Ku heshay Idaacadda Alfurqaan Weerarka oo ka dhacay Mandheera waxaa ku dhintay shan askari.
Sarkaal katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin oo la hadlay warbaahinta Alfurqaan ayaa sheegay inay dileen shan askari islamarkaana ay gubeen gaariga ay la socdeen ciidamada Kenya.
Maamulka Gobalka ayaa xaqiijiyay weerarka kaga yimid Shabaabka,waxaana ay canbaareyn dusha kaga tuureen dagaalyahanada fuliyay weerarka.
Dowladda Kenya ayaa tan iyo marka ay bilatay bisha ramadaan waxa ay marar badan ka digtay weeraro ka yimaada xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Ciidamo badan galiyay Gudaha Kenya.
Keyan ayadaa soo doonatay dagaal aan dhamaad laheyn oo micnihiisu yahay in kenya ku socoto wadadii burburka illaa ay dadkeeda waayaan ugaaliga ay cunaan maalin walbo iyo guryahii ay kadhisteen lacagta ay kadhaceen somalida qaxootiga ah, H a noqoto raashiin ay dhaceen oo ay gateen ama ganacsato ay canshuur baad ah kaqaateen, dhamaan guryahaas waa booli-shacab sidaas darted kenya in sha allah waxaay dhadhamin doontaa wax kaxun waxii somaliya ku dhacay markaay kala dhaadato oo aan fileyno mar,aan dheereeyn in sha allah. waa lagu kufaa kibirkee, kala go,go,a kenya dhaw markaan in sha allah