Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Maxay Ka Yiraahdeen Weerarkii Halgan.?

itoobiyaDagaal Xoogan oo saaka ka bilowday Magaalada Halgan Ee Gobalka Hiiraan  ayaa soo gabagaboobay Barqadii Maanta oo Khamiis ah.

War Lagu Qoray Barta Telegram Ku Leedahay Idaacadda Alshabaab ayaa Lagu sheegay in Dagaalka Bilowday salaadii Subax kadib qasaaro xoogan loogu gaystay Ciidamada Itobiya.

Afhayeenka Ciidamada Sheekh Cabdalcasiis Abuu Muscab oo si horu dhac ula hadlay wakaaladaha wararka ayaa sheegay in dagaalka ku dileen 43 askari oo katirsan Ciidamada Itoobiya.

Weerarkan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ku bilowday camaliyad Istish-haadi ah oo uu fuliyey halyeey Mujaahid ah, ka dibna waxaa xigay weerar xoog ku gal ah oo ciidamada Mujaahidiinta ay ku iqtixaameen saldhigga cadowga.”ayaa Lagu Yiri Qoraalka ay daabacday Idaacadda Andulus.

Dagaalka Saaka ayaa ah Midkii ugu xooganaa ee Mudooyinkaan qasaaro xoogan kala Kulmeen Ciidamada Itoobiya ee Kusoo Duulay Dalka Soomaaliya.

Camaliyad Istish-haadi ah oo  lagu daahfuray weerarka, ayaa Dhulka Dhigtay  inta badan saldhigga iyo gaadiidkii ku jiray,

Camaliyada ayaa waxaa ku baxay Ciidamo badan oo intooda badan Hurdayeen halka kuwa kale ay ku qornaayeen ilaalada Xerada kuwaasi oo ka war helay Gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

intaasi kadib waxaa xerada ku daatay Ciidamo katirsan Shabaabul Mujaahidiin oo xerada Ka dhex bilaabay Toogasho.

Ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya oo Ka Badbaaday weerarka isugu jiray Qarax iyo kan tooska ahaa ayaa howdka ucararay waxaana wax yar un kadib isku aruursadeen   Tog ku yaalla banaanka magaalada si ay isaga difaacaan xabada kaga imaanaysa Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab.

Xarakada Ayaa dajisay xeelad kasta oo ay ku naafeen kareen ciidamada Itoobiya waxaana Ciidamo gaar ah oo Inqimaasiyin ah udaateen Godka ay Galeen Ciidamada Itoobiya Halkaasi oo uu ka dhacay Dagaal la isku Hilboobay.

You might also like
1 Comment
  1. abufatima says

    Injirey Amxaariyo Tigreey eega waxa gaaray
    Anigiyo nin kii ila muslima uurku farax weeye
    Ashahaad ladirir iyo wadaad gaal adeegsanayo
    Uurkiyo qalbigu waa bukaan ehelu naar kiiye
    Aafadu ku wii ay heshee uba iftoonaayey
    Ardaaladi fansalakh iyo lafaa midu afkay diiday
    Amaanada ku wii iibsadee oohow yiri gaalka
    Ictisaam ka niman kaas labaxay ee iftada duubay
    Ee xalane orinaayayee nooba eeday san
    Inkaaraha wadaadadi qabee aafadu haleeshay
    Irjaa iyo nifaaq iyo zandaqo waa astaan toode
    Ingiriisku niman kuu lashiray amarna siinaayey
    Ugaas Bile niman kii lahaa ee anshaxa beelay
    Ina Yey maigow ku wii Eebe ula tuugay
    Idilkood ku waan sheegay iyo qaar arliga jooga
    Amxaaraday u booyaan shabaabna way inkaaraane
    Islaamnimo miyow baaqiyoo iminka loo sheegi
    Aah diyo qubuuriga haday odayo raaceene
    Alayl kiyo saqdii dhexe yey sir urur shaane
    Ijaafayn an maayee walee marag ayaan keeni
    Amxaaroy qurmuuneey hadaad aabi dayn wayday
    Ansaar iyo muhaajaro inay ku idbiyaan weeye
    Oofaha inay kaa jaraan alshabaab weeye
    Itaal malaha oo way taqaan Eydu tay tahaye
    Ceeriinka Axmed kii ku baday waa awow geene
    Inkastood ardaal nacas ahiyo Awyo naga leexsan
    Misna niman Ilaahood qiroo aarsan baan nahaye
    Arligaan kadhoof iga waladan aayar ladahayne
    Uurkiyo qalbiga kaa nacniyo oogadoo idile
    Isma nihin anaga iyo idinku Eebe balan tiise
    Islaam baanu nahay idina gaal uraya baad tiine
    Orda baxa arliga nooga taga yaahiyahay ooman
    Hadii kale usuud ciil qabtaan idin hambay naynin

Leave A Reply

Your email address will not be published.