Xarakada Shabaabul Mujaahidiin”Barito Waa Maalinta Koowaad Ramadaan”
Maktabka qadaha xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku dhawaaqay in caawa ay bilatay bisha barakaysan ee Ramadaan 1437 Hijriya.
War rasmi ah oo kasoo baxay garsooka Mujaahidiinta ayaa lagu sheegay in bisha Ramadaan laga arkay wilaayaatka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus 5 qof oo lagu kalsoonyahay oo caadil ah ayaa bisha Ramadaan ku arkay degmooyin iyo deegaanno katirsan Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
Meelaha Bisha Ramadaan laga arkay waxaa kamid ah degmada Ruun-nirgood iyo deegaanka Ceelasha Biyaha.
Idaacadda Alfurqaan waxa ay dhagaystayaasheeda leedahay ramadaan karrim.
waxaa idaacadda ka baxi doona duruus iyo barnaamijyo muhiim ah.
waxaa is badalay uu ku yimid dhuuxa oo aan dhagaystayaasheena usoo gudbin doono 9:30 inshaa allaah.