Banaan baxyo waweyn oo wali ka socoda dalka Turkiga.

INQILAB

Dadka Turkida ah ayaa wali dhigaya banaan baxyo xoogan kuwaas oo ay ku muujinayaan sida ay u taageersanyihiin Xukuumadda uu hogaamiyo Rajab Dhayib Ordogan oo ka badbaaday isku day lagu doonayay in guud ahanba lagu rido islamarkaana lagu dilo Ordogan.

Banaan baxyda oo ah kuwa aad u ballaaran ayaa ka dhacaya magaalooyinka Ankara, Istanbuul iyo kuwa kale, waxaana dadka dhigayay banaanbaxyada ay ku dhawaaqayaan erayo ay ku muujinayaan iney taageersanyihiin Xukuumadooda, ayna kasoo horjeedeen Afgembiga la damacsanaa in lagu sameeyo Ordogan.

Guutooyin katirsan Ciidamada Turkiga ayaa isku dayay gelinkii dambe ee maalintii Jimcaha iney afgembiyaan Ordogan iyo dowladiisa, inkastoo uu fara cidiyo leh uu ku bad-baaday, waxaana haatan la xiray guud ahaan ciidankii iyo Saraakiishii ku lugta lahaa Afgembigaaas,

Ciidamada Afgembiga damacsanaa ayaa weerar waxay ku qaadeen Tvga dalkaas ee ku hadla afka Xukuumadda, iyagoona ku guuleystay iney la wareegaan islamarkaana ka akhriyaan bayaanka ay ku iclaaminayaan Afgembiga, waxaana sidoo kale la duqeeyey hotel uu daqiiqado kahor ka baxay Ordogan, waxana muuqata in la doonayay in la iqtiyaalo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.