Banqaazi oo ay ka dhaceen dagaallo ay ka qayb galeen diyaaradaha Reer Galbeedka.

441

Magaalada Banqaazi ee dalka Liibiya ayaa waxaa ka dhacay dagaallo xoogan oo ay isaga hor yimaadeen ciidamada Mujaahidiinta golaha Shuurada ee Banqaazi iyo maleeshiyaadka uu hogaamiyo Khaliifa Xaftar oo taageero ka helaya diyaaradaha qaar kamid ah dowladaha Reer galbeedka.

Waaberigii saaka ayaa maleeshiyada Xaftar waxay weerar kusoo qaadeen difaacyo ay kaga sugnaayeen Mujaahidiinta xaafadda Al-Qawaarisha ee dhacda galbeedka magaalada Banqaazi waxaana halkaas ka dhacay dagaallo faraha looga gubtey oo labada dhinac ay isaga hor yimaadeen.

Maleeshiyaadka Xaftar ayaa taageero dhanka hawada ah waxay ka helayeen diyaarado ay leeyihiin dowlado Reer galbeed ah oo ay kamid tahay Faransiiska kuwaas oo duqeymo ba’an u geystay xaafada Al-Qawaarisha iyo goobo ay ku tuhunsanaayeen iney ku jiraan Mujaahidiinta.

Markaz warbaahineed oo hoostaga Mujaahidiinta ayaa sheegay in diyaraduhu ay fuliyeen 21 duqeymo , kuwaas oo dhamaantooda aysan jirin cid wax ku noqotay marka laga reebo in burbur xoogan ay sababeen.

Ciidamada Mujaahidiinta waxay ku guuleysteen iney dagaalkii maanta ku dilaan Maleeshiyaad gaaraya 17 Askari, halka ay dhaawaceen inkabadan 23 Askari oo dhamaantooda katirsanaa Maleeshiyaadka Ashahaada la dirirka ee Khaliifa Xaftar.

Xaftar iyo maleeshiyadiisa ayaa dhowr sano waxay isku dayayaan iney magaalada Banqaazi kaga saaraan Mujaahidiinta balse kuma guuleysan arinkaas, waxaana duulaankan diin la dirirka ah ku gacan siinaya dowlado Carbeed iyo kuwa Reer galbeed ah oo ay kamid yihiin Faransiiska, Maraykanka, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.