Sawirro: Bulshada Awdiinle oo Iyagoo Hoos U ooynaya Aastay Meydadka Dadkii Xabashidu Xasuuqday.

Wardiinle6Dadkii ay ciidamada Xaashidu ku xasuuqeen degaanka Awdiinle ee gobolka Bay ayaa lagu aasay qabuuraha kuwaasoo ay tiradoodu gaartay 16 qof oo u badan dad da’ ah.

Shacabka magaalada ayaa intooda badan ka qeyb galay aaska, waxaana wajiyadooda laga dheehanayaa sida ay uga murugeysan yihiin xad gudubka ay kala kulmeen ciidamada Xabashida oo kasoo duulay in ka badan 1000 km (kun kiilo mitir)

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa si joogto ah u xasuuqa shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan, waxaana jirta in mar aan sii fogeyn ay dad masaakiin ay ku laayeen degaanka Jaamac Dubbad oo dhaca xad beenaadka ay Itoobiya la wadaagto Somaliland.

1Wardiinle2Wardiinle6Wardiinle4

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.