Ciidamada Itoobiya oo Gumaad Ka Geystay Gobolka Bay.
Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa xasuuq ka geystay degaan lagu magacaabo War-diinle oo hoos yimaada magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 15 ruux oo shacab ah.
Itoobiyaanka ayaa dadka ku wada dilay hal guri oo ay ku kulansanaayeen dad qaraabo isu wada ah oo Qur’aan saarayay nin xanuunsan.
Dhacdadan oo ku beegneyd casar liiqii shalay ayaa si aad ah uga murjisay dadka Muslimiinta ah, iyadoo isla degaankaasi maanta lagu aasay meydadka dadkii ay Xabashidu leysay.
Warar dheeraad ah oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in khasaruhu uu sii kordhayo sababo la xiriira qaar kamid ah dadkii dhaawaca ahaa oo geeriyoonaya.
Itoobiyaanka ayaa gumaad iyo kufsi joogto ah ka geysta gobolada iyo magaalooyinka ay qabsadeen, taasoo ka marqaati kacaysa heerka ay gaarsiisan tahay cadaawadda ay u qabaan ummada Soomaaliyeed.