Ciidamada Nidaamka Bashaar oo sii akdeeyey go’dooonka ay ku hayaan magaalada Xalab.

Xalab

Magaalada Xalab ee dalka Suuriya oo lagu tilmaamo magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Suuriya ayaa ku jirta go’doon adag oo ay kusooo rogeen ciidamada Nusayriyada Bashaar Al-Asad oo wax kabadan shan sano gumaadaya Ahlu Sunnaha dalkaas.

Dad gaaraya 300 oo kun oo Ruux una badan dumar iyo Caruur ayaa haatan ku go’doonsan magaalada taariikhiga ah ee Xalab, mana jirto wado u furan magaalada oo lagu gaarsiiyo dadka waxyaabaha Nolosha ay daruuriga u tahay.

Waaberigii maanta oo khamiis ah ayaa Ciidamada Nusayriyadu waxay la wareegeen xaafadda Banii Zayd kadib markii ay ka insixaabeen kooxihii mucaaradka ee ka dagaalamayay Xaafadaas, waxaana warkan xaqiiijiyay wakaalad lagu magacaabo Samaat oo katirsan kuwa taageera Mucaaradka.

Magaalada Xalab ooo sanadihii ugu dambeeyey oo dhani ay wada joogeen Kooxaha wax iska caabinta iyo kuwa Nusayriyada ayaa waxaa reer Xalab u furnaa wado lagu magacaabo Al-Kastiyoola taas oo dhawaan ay jareen Ciidamada Nusayriyada kadib markii ay la wareegeen.

Inta badan cisbitaalladii lagu dabiibayay dadka Muslimiinta ee dhaawacma ayaa xirmay kadib markii si toos ah y duqeeyeen diyaaradaha Ruushka, waxaana xaaladda Xalab lagu sifeyn karaa mid uu Alle kaliya u maqanyahay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.