Ciidamo Aala-Sucuud ah oo lagu laayay xuduud beenaadka Xarameynka iyo Yaman.

I
I

Wararka ka imaanaya dalka Yaman waxay ku waramayaan in dagaallo xoogan ay ku dhexmareen maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo ciidamada maamulka Aal-Sucuud deegaanno dhaca xuduud beenaadka labada dal.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Aala-Sucuud dagaallada waxay yimaadeen kadib markii maleeshiyaad katirsan Xuuthiyiinta iyo kuwa Cali Cabdalla Saalax ay isku dayeen iney usoo dhuuntaan deegaannada dhaca xuduuda ee maamulka Aala-Sucuud uu ka taliyo, waxaana dagaalka labada dhinac ka qayb qaadanayay diyaaradhaa Abatshi ee ciidamada cirka Aala-Sucuud ay isticmaalaan.

Labada dhinac waxaa jira khasaare soo gaaray balse waxaa aad loo hadal hayaa kan gaaray ciidamada Aala-Sucuud oo aan lahayn khibrad dagaal, waxaana looga dilay illaa 6 Askari oo uu ku jiro sarkaal sare oo lagu magacaabo Cabdil Xaliim.

Maamulka Aala-Sucuud iyo dowlado Carbeed ayaa dagaal aan jirin waxay kula jiraan Maleeshiyada Xuuthiyiinta ee Shiicada Iiraan taageerada ka hela, waxaana muuqata in maamulka Aala-Sucuud uu awoodo oo kaliya dulminta Ahlu sunnaha Mustadcafiinta ah halka uusan awoodin inuu iska dhiciyo maleeshiyaad shiico Xuuthiyiin ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.