Ciidamo Faransiis ah oo ku geeriyooday diyaarad lagu soo riday dalka Liibiya.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Faransiiska ayaa ka qayb qaadanaya dagaallada ka socoda dalka Liibiya ee reer galbeedku kula jiraan dadka Muslimiinta ee wadankaas ku dhaqan, balse dowladda Faransiiska iyo warbaahintooda arimahaas kama hadlaan mana ogola in la ogaado.
Ciidamada Faransiiska ayaa la howlgala islamarkaana ka barbar dagaalamaya maleeshiyaadka dagaal Ooge khaliifa Xaftar, waxaana sida ay baahinayaan warbaahinta caalamka diyaaradii lagu soo riday deegaanka Al-Maqruun oo dhaca galbeedka magaalada Banqaazi maalintii shalay askarta ku dhimatay kamid ahaa 2 Askari oo Faransiis ah.
Wakaaladda Assosiated Press oo soo xiganeyso ilo gaar ah oo lagu kalsoonaan karo islamarkaana katirsan Maleeshiyaadka Xaftar waxay xaqiijisay in labada Askari ay kamid ahaayeen ciidamadii saarnaa diyaaradda oo saaruukha Saam7 ay ku dhufteen guutooyinka Difaaca ee ka howlgala magaalada Banqaazi iyo daafaheeda.
Wakaaladda ayaa la xiriirtay mas’uuliyiin katirsan dowladda Faransiiska oo ay waydiisay iney jiraan Askar dalka Liibiya looga dilay, waxaana dowladda Faransiiska ay ka gaabsatay iney jawaab ka bixiso arinkaas iyadoona ku andacootay ineysan faafaahin laga bixin karin howlgallada ciidamada Gaarka ah.
Wadarta guud ee Askarta diyaaradda kusoo dhacday deegaanka Al-Maqruun lagu dilay ayaa gaarayay 4 Askari, waxaana labo kamid ah ay noqdeen Faransiis lamana oga labada kale halka ay kasoo jeedaan waxaana dhici karta iney kamid ahaayeen Maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar ama ciidamo ka socoda dalalka Yurub.
Dowladaha Ingiriiska, Maraykanka iyo Faransiiska ayaa kaalmaha hore kaga jira dowladaha sida qarsoon ciidamado kaga joogaan dalka Liibiya, waxaana dowladahan ay yihiin kuwa hogaamiya xamalaadka diin la dirirka ah ee ku wajahan dhulalka Islaamka.