Dad Ka Badan 20 Qof oo Lagu Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Nawaaxiga Garoonka Muqdisho.

qarax
qarax

22  ruux oo ay ku jiraan Ciidamo katirsan Nabad sugida Dowladda Federaalka,Amisom iyo Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay Duguf Enterprise Security Service  ayaa ku dhintay weeraro qaraxyo ah oo maanta ka dhacay Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaan ayaa Lagu qaaday Xarumo ku yaala afaafka hor ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho gaar ahaan dhanka wadada ka timaada degmada Wadajir oo ah dhanka Galbeed ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Saldhigga Ciidamada AMISOM ee ugu weyn Soomaaliya iyo safaaradaha dalalka reer galbeedka ayaa halkaasi sidoo kale ku yaalla.

Afar askari oo katirsan Ciidamada Amisom ayaa kamid ah kuwa dhintay.

in ku dhaw 15  Askari oo katirsanaa Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay ayaa iyaguna goobta ku dhintay sida ay baahisay idaacada shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Weerarada ayaa Loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Jugta Qaraxyada ayaa si weyn looga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho waxaana qaraxyada kadib la maqlay rasaas umuuqatay mid la is weedaarsanayo

“Waxaan arkay gawaarida anbalaska oo qaadaya dhaawacyo badan”ayuu Aljazeera usheegay wariye ka ak dhawaa goobta ay wax ka dhaceen.

Mas’uuliyada Qaraxyada waxaa sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidin sida uu baahiyay Tv-ga Aljazeera.

Xaalada ayaa haatan umuuqata mid degan waxaana goobta isku gadaamay Ciidamo aad uhubaysan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.