Dagaallo xoogan oo ka socoda magaalada Xalab.

photo_2016-07-12_08-03-18

Magaalada Xalab oo dhacda wuqooyiga dalka Suuriya waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayay dagaallo xoogan kuwaas oo u dhexeeya ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Nidaamka Suuriya.

Dagaallada oo ah kuwa aad u xoogan islamarkaana ay ka qayb galayaan diyaaradaha Nidaamka Mujrimka Bashaar ayaa waxay si xiriir ah uga socdaan gudaha magaalada Xalab oo tan iyo sanadkii 2012 ay kuwada dagaalamayaan Mujaahidiinta iyo Shabiixada Bashaar Al-Asad.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa madaafiic culus waxay dhankooda ku garaaceen fariisimo ay Ciidamada Bashaar AL-Asad ku leeyihiin xaafadaha bari ee magaalada Xalab.

Dhowr maalmood ka hor ayaa Mujaahidiinta Jabhadda Al-Nusra waxay ku dhawaaqeen macrako go’doonka looga saarayo magaalada Xalab, waxaana lagu daah furay labo Camliyad Istish-haadi ah oo ay fuliyeen halyeyeo katirsan Mujaahidiinta.

Ciidamada Nidaamka ayaa isku dayaya iney xiraan wadada Al-Kastiyoolo oo ah dhabbaha kaliya ee gurmadka iyo Raashinku ka helaan shacabka iyo Mujaahidiinta ku sabraya magaalada Xalab, balse waxaa muuqata in wali ay ku guuleysan la’yihiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.