Degdeg:Ciidamada Itoobiya oo Ka Guuray Galcad iyo Buurdhuxule.

itoobiyaKolonyo ay la socdeen Boqolaal katirsan Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa saaka oo isniin ah waxa ay ka guureen Magaalooyinka Galcad iyo Buurdhuxule  oo ka kala Tirsan Gobalada Bakool iyo Galguduud.

Ciidamada Itoobiya Ee ka baqa Cararay degmooyinkaasi waxaa  horay usii raacay Maleeshiyaadka Soomaalida ah ee Ku wehlinayay duullaankoda.

Magaalada Buurdhuxule Durbadiiba waxaa la wareegay Boqolaal katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo horayba aanan kaga fogayn Degmada.

Dhanka Galcadna Wararkii ugu danbeeyay ee ku soo dhacay idaacada islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa xaqiijinaya in haatan Magaaladu haawanayso islamarkaana ay kusii socdaan dagaalyahanada Xarakada Shaaabul Mujaahidiin.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale dhaqdhaqaaq bixitaan ah ka wada deeganka Budbud oo hoostaga Galcad.

Xaalada Galcad ayaa aad ukacsanayd mudooyinkii ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya waxaana degmada ka barakacay dadkii deganaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.