Dhageyso Qeybtii Ugu Dambeysay Barnaamijka Qisatul Andalus (Q-24-aad)

Qisada Al-Andalus 1

War baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa soo gabagabeysay barnaamijkii taxanaha ahaa ee Qisatul Andalus oo soo bilowday horraantii bishii Ramadaan, iyadoo uu barnaamijku si qoto dheer u sawiray furashadii ay Muslimiintu furteen Andalus illaa dhicitaankeedii.

Ujeedada aanu xilligan isugu hawlnay ka hadalka taariikhda Andlalus ayaa waxay ahayd inaan ummada dib ugu bidhaamino taariikhdeedii iyo awoodeedii, waxa kale oo ay taariikhdani taabaneysaa waaqica aynu maanta nool nahay oo lamid ah kii ay ku sugnayd Andalus markii ay burburi rabtay.

Sida ay ka dheehan karaan dadkii la socday barnaamijka, wuxuu sidoo kale xambaarsanaa aqoon dhanka cilmiga sharciga ah maadaama ay ka qeyb galayeen culimada diinta islaamka oo had iyo goor Is dul taag ku sameynayay meelaha xasaasiga ah.

Haddaba dhageystayaal iyo aqristayaal waxaan barnaamijka gunaanad uga dhignay qeybta 24-aad, waxaana inaga xusuusin ah inaad inoo soo gudbin kartaan aragtidiina ku aadan barnaamijka kan xiga ee aad is leedihiin wuu ku haboon yahay iney idaacaddu qabato, adinkoo farriimihiina inoogu soo hagaajin kara Facebook Idaacadda Ama Emailadeena

[email protected]

[email protected]

Tel 00252616002699

Ku dhagayso Tayo sare Qisatul Andalus Q-24-aad 

Ku dhageyso Tayo hoose Qisatul Andalus Q-24-aad

You might also like
1 Comment
  1. abuu. says

    jaaazukumulaahu khayran walaalaha baraamijkaas aaad ka umuhiimsan noo soo diyaariyay

Leave A Reply

Your email address will not be published.