Dhageyso:Aqoonyahan Ka Hadlay Khayraadka Ku Duugan Soomaaliya

micCabduqaadie Cali Yarow oo uwaramay idaacadda alfurqaan ayaa sheegay in dalka Soomaaliya yahay wadan hodan ah oo allaah uu ku galadaystay Nicmooyin aanan lasoo koobi Karin.

Khayrka dalka yaala iyo dadka  haysta oo muslimiin ah ayuu sheegay Cabduqaadir inaan loo quurin islamarkaana ujeedka dagaalka Soomaaliya ku socda uu yahay mid salka ku haya diinta umada ay haysato.
Waxa uu sheegay Cimalada Soomaaliya inay ay ka duwantahay dalal badan oo uu soo maray.

Dalka  sidaasi hodanka u ah ayay hadana dad badan ka cararayaan.

Dhalinyarada ayaa ku la Anaya badaha waxaana cabduqaadir uu sheegaya in shisheeyaha ay dadka barakicinayaan si ay uboobaan oo ula wareegeen khayraadka dalka.

Cabduqaadir waxa uu soomaalida Usharaxay nicmada badda ku jirta iyo halka uu gaarsiisanyahay wax soo saarka beeraha,.

Ugu danbeynii Cabduqaadir Cali yaroow waxa uu soo hadal qaaday siyaasada ka danbeysa barakicinta Soomaalida waxaana uu siyaasadaasi sheegaya inay ku lug leedahay Itoobiya.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Cabdulqaadir Cali

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.