Dhageyso:Ganacsatada Saakow oo Laga Saxay Dukashada Salaadda.
Dowro uu soo qaban qaabiyay Maktabka Dacwada Degmada Saakow ayaa lasoo xiray.
Dowradaan oo socotay Muddo sadex Maalin ah ayaa waxaa loo qabtay ganacsatada,iyo xoogsatada Degmada Saakow ee wilaayada Jubooyinka.
Mudada Dowrada socotay Ganacsaada Degmada waxaa Loo saxay aqrinta Faataxada iyo qaabka saxda ah ee loo dukado Salaada iyadoo lagu dayanayo nabigeena Muxamed NNKH.
Dowrada marka ay soo idlaatay kadib ayaaa ganacsatada oo la hadlay idaacadda Alfurqana waxa ay sheegeen in dowrada wax badan oo ka qaldanaa loogu saxay iyaguna ka faaideen.
Waxa ay codsadeen in marar badan loo qabto dowraadka nuucaan ah.
Ugaas Beesha Leedaan Maxamed Cali oo Munaasabada Ka Hadlay ayaa Ganacsatada ku dhiiragaliyay inay ka faaideystaan waxbarashada ay ku baranayaan diintooda.