Dhageyso:Indheer garadka Galgaduud oo ka hadlay Amxaarada Galcad ka baxday.

micBulshadii horay uga qaxday degmada Galcad ee gobalka Galgaduud ayaa bilowday in ay dib ugu soo noqoto ka gadaal markii shalay subax ciidamada amxaarada iyo tigreegu ka baxeen.

Xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa maamuleysa degmada waxaana dadka laga dareemayaa farxad saa’id ah maadaama uu ka tegay shisheeyihii dhibaatada ku hayay.
Mida mid ah indheer garadka gobalka galgaduud oo xalay ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya lagu go’doomiyay Galcad taasuna ay u sabab tahay in ay ka guuraan.

Wixii ka dambeeyay weerarkii Halgan ka dhacay ee ciidaamo badan amxaarada iyo Tigreega looga laayay waxaa soo wajahay walaac saa’id ah.

Ciidanka Itoobiya ayaa sidoo kale shalay subax ka baxay deegaanka Buur dhuxule ee goobalka Bakool halkaaso mujaahidiintu la wareegeen

Waxaa sidoo kale askarta amxaaradu horay uga baxday Rabdhuure oo Bakool ka mid ah oo ayina mujahaidiintu qabsadeen

Halkan KA Dhageyso Codka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.