Dil iyo dagaal ka kala dhacay Muqdisho iyo Dulleedka Afgooye.

MuqdishoTaliyihii baliiska degmada galcad ee gobalka galgaduud ayaa shalay gelinkii dambe lagu dilay deegaanka sanca ee magaalada muqdisho.

Cali caddow oo Muddo dheer  ka tirsanaa baliiska federaalka rag hubeysan ayaa dilka loo geystay fuliyay waxaana goor dambe halkaa laga qaaday meydkiisa.

Horay xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa muqdisho ugu dishay saraakiil iyo dad kale oo muhiim u ahaa shisheeyaha dalka ku soo duulay iyo kaaliyaashiisa soomaalida ah.

Waxaa xusid mudan degmada uu ninkaani taliyaheeda ku magacawnaa in todobaadyo ka hor ay dib ula wareegtay xarakada mujaahidiinta alshabaab kadib markii itoobiya iyo soomaalidi la shaqeynaysay ka baxeen.

Intii itoobiyaanku galcad joogeen waxaa deegaanka ceel hareeri ee duleedka galcad  lagu dilay gudoomiyihii degmadaas Iyo qaar ka mid ah ciidamadiisi.

Geesta kalena dagaal ayaa xalay ka dhacay deegaanka buulo foolyo ee duleedka afgooye ka gadaal markii ciidamada xarakada mujaahidiinta alshabaab weerareen goob is baaro u tiil ciidamo dowlada federaalka ah ka tirsan.

Lama oga wixii khasaare ah oo halkaa ka dhashay iyadoo isbaaradaan iyo kuwo kaleba horay sidaan oo kale weeraro loogu qaaday.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.