Diyaarad dagaal oo lagu soo riday dalka Liibiya.

441

Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo ay leeyihiin maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar lagu soo riday deegaan lagu magacaabo Al-Maqruun oo u dhow magaalada Ajdaabiya ee dalkaas.

Diyaaradda lasoo riday ayaa waxaa saarnaa Afar ruux oo duuliyaasheeda ahaa, waxaana guud ahaan dhintay 4 Askari, iyadoona burburka Diyaaradda lagu soo bandhigay baraha Internetka.

Guutooyinka difaaca magaalada Banqaazi ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan lagu soo riday diyaaradda islamarkaana lagu dilay 4 Askari, waxaana ay sheegeen in Saaruukha Saam7 ay u isticmaaleen soo ridida Diyaaraddan dagaal oo uu leeyahay dagaal Ooge Khaliifa Xaftar.

Kadib soo dhicitaanka Diyaaradda ayaa waxaa dagaallo xoogan dhexmareen maleeshiyaadka Xaftar iyo guutooyinka difaaca, waxaana lagu soo waramayaa in lagu dilay 25 Askari oo katirsan Maleeshiyaadka Xaftar, halka tiro intaas kabadanna ay dhaawacmeen, waxaana dhanka kooxaha wax iska caabinta ka dhintay 2 Askari sida ay iyagu u sheegeen warbaahin Maxalli ah oo ka howlgasha dalka Liibiya.

Dalka Liibiya gaar ahaan magaalada Banqaazi iyo deegaannada hoos yimaada ayaa waxaa ka dhacaya dagaallo inta badan joogta ah, waxaana dagaal ooge Khaliifa Xaftar oo taageero ka helaya dowlado Reer galbeed ah uu wali awoodi la’yahay inuu maquuniyo Mujaahidiinta iyo kooxaha kale ee kasoo horjeeda hanaanka Xaftar.

Deegaanka lagu dagaallamay ee Al-Maqruun waxaa wali gacanta ku haya guutooyinka difaaca, waxaana jab xoogan dhabarka loo saaray maleeshiyaadka Xaftar ee soo duulaan tagay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.