Diyaarad uu leeyahay maamulka Aala-Sucuud oo kusoo dhacday dalka Yaman.
Wararka ka imaanaya dhulka Yaman ayaa sheegaya in diyaarad nooca dagaalka ah oo ay leedahay Xukuumadda Aala-Sucuud ay kusoo dhacday gudaha dalka Yaman islamarkaana halkaas ay ku dhinteen Duuliyayaashii kaxeynayay Diyaaradda.
Bayaan kasoo baxay Taxaalufka Carbeed ee dagaalka kula jira Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay in diyaarad nooceedu yahay Abatashi ay kusoo dhacday gobolka Ma’rib cimilada hawada oo xumeyd awgeed, waxaana halkaas ku dhintay labo duuliye oo kasoo jeeda dhulka Xarameynka.
Dhanka kale Xuuthiyiinta ayaa durba sheegtay mas’uuliyadda Weerarkan, waxaana Tifafatiraha wargeyska Al-Masaar oo ay leeyihiin Xuuthiyiinta ninka lagu magacaabo Usaama Saari uu bartiisa Internetka ku sheegay in Maleeshiyaadkooda ay ku guuleysteen iney soo ridaan diyaaradan oo dul heehaabeysay hawada sare ee gobolka Ma’rib, waxaana uu faafiyay muuqaal kooban oo lagu daawan karo diyaarad soo dhacday.
Aala-Sucuud ayaa wax kabadan hal sano waxay dalka Yaman kaga jirtaa dagaal ka dhan ah Xuuthiyiinta oo ay ku taageereyso Xukuumadda Haadi Mansuur, waxaana muuqata in wali ay wax guul ah ka keeni la’dahay dagaalkan.