Diyaaradaha Taxaalufka oo gumaad ba’an ka geystay magaalada Minbij ee dalka Suuriya.

Syria

Dowladaha Maraykanka iyo kuwa Reer galbeedka ayaa duqeymo arxan darro ah waxay ka wadaan magaalada Minbij iyo deegaanada hoos yimaada, kuwaas oo ay ku doonayaan in magaalada ay ku baaba’iyaan islamarkaana kaga barakaciyaan dadka muslimiinta ah ee degan.

Magaaladan oo muda kabadan hal bilood lagu soo rogay go’doon adag oo afarta jiho ah islamarkaana ay ku hareereysanyihiin maleeshiyaad kurdiyiin ah oo uu Maraykanku wato ayaa laga soo sheegayaa xaalad liidata oo dhanka nolosha ah, waxaana joogta ah duqeymaha aan ka fiirsiga lahayn ee Taxaalufku ku garaacayo magaalada.

Xasuuqii ugu fool xumaa waxa uu dhacay maalintii shalay, kadib markii diyaarad ay leeyihin isbaheysgia Reer Galbeedka ay duqeysay deegaan lagu magacabo Tookhaar oo dhaca wuqooyiga Minbij.

Deegaankan oo ay kusoo barakeen dad aad u farabadan oo kasoo baxay Minbij ayaa waxay diyaaradu beegsatay kaam ay dadku ku noolaayeen, waxaana halkaas ay ku dishay 160 ruux oo Muslimiin ah islamarkaana u badan Dumar iyo Caruur aan waxba galabsan.

Dhaawacyada ayaa la sheegayaa ineysan jirin goob lagu daweeyo maadaama jihooyinka oo dhami ay go’doon yihiin, waxaana jirin dad isgarab taagaya Muslimiinta Minbaj oo wajahay dagaal uga imaanaya Maraykanka iyo xulafadiisa.

Waxaa muuqata in maalinba ay magaalo baaba’inayaan Diyaaradaha Maraykanka, dhawaan waxay kasoo faaruqeen magaalada Faluuja oo inteeda badan ay dhulka la simeen, hadana waxay ku guda jiraan baaba’inta magaalada Minbij, waxaana hadii ay tani ku guuleysteen ay u xir xiranyihiin iney laayaan Muslimiinta magaalada Muusil ee dalka Ciraaq.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.