Hiirad “waa marin habaaabin in la yiraahdo itoobiya ayaa Soomaaliya ciidan u dhisaysa”

micIyadooo dhawaan la sheegay in kulan ra’iisalwasaaraha axmaarada iyo tigreega xeyla Maryam disaleen iyo ra’iisalwasaaraha dowladda federaalka ah cumar cabdi-shiid ku yeesheen dalka itoobiya kadib isla meel dhigeen in Itoobiya ciidan qaran oo xoog leh u dhisto soomaaliya ayaa arintaasi waxay u dhadhami weysay dadka Soomaaliyeed ee garashada fayow leh.

Aqoon yahan Cabdulaahi Cali Hiirad oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa ayaa Ka sheekeyay cadawtooyada qotada dheer ee amxaarada iyo tigreega itoobiya hogaanka u ah u hayaan umadda soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Waxa uu sheegay in itoobiya tahay cidda soomaalida kala qeybisay ayna taageereyso mashruuca federaalka loo bixiyay ee ka dhigan xaduudaha qabyaaladeed iyo xaafadaha qabiilka.

“waa marin habaaabin in la yiraahdo itoobiya ayaa soomaaliya ciidan u dhisaysa” sidaas waxaa yiri cabdulaahi cali hiirad oo  banaanka soo dhigay colaadda aan qarsooneyn ee soomaalida shisheeyuhu u hayo gaar ahaana naceybka itoobiya ka soo burqanaya.

Asigoo hadlakiisa sii watta waxa uu ka faaleeyay qorshaha ra’iisalwasaaraha yahuudda Binyamin natanyahu u yimid Itoobiya iyo dalal kale oo bariga afrika ku yaal kuwaasoo ayina qaarkood ciidamo ka joogaan soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale cabdulaahi ka hadlay waxa sababay warka midowga afirka ka soo yeeray ee la xariira sanado kadib in ciidamadooda ay soomaaliya kala baxayaan.

Dhageyso Wareysiga Cabdulaahi Cali Hiirad

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.